Garoowe (RBC RADIO) Generaal Siciid Dheere oo ah Taliyaha Ciidanka Darwiishta Puntland ahna Taliyaha Hawlgalka Xiliga Doorashooyinka ayaa shir saxaafadeed uu ku qabtay Xafiiska uu ku leeyahay Xerada Ciidanka ee 54raad ee Duleedka Garoowe wuxuu kaga hadlay Qodobo la xiriira Arimaha Doorashooyinka Musharaxiinta iyo Anshaxa guud ee Amniga Puntland.
Taliyuhu wuxuu tibaaxay in laga hortago wax walba oo iska hormaad keeni kara cid walbana ay u hogaansan to sharciga iyo kala dambaynta ka jirta Dalka, Ciidanka Amaanka ayuu ku sheegay in ay yihiin kuwo u hogaansan Awaamiirta la siiyo waxayna xaq u leeyihiin in ay ka hortagaan wax walba oo Amniga lidi ku ah buu yiri.
“Ciidanka Amnigu cid kasta oo u sharxan hogaanka Puntland wey soo dhaweynayaan Amaankoodana wey sugayaan, waxayna diyaar u yihiin in ay talo wadaag la noqdaan musharaxiinta waxayna dhagaysan doonaan Hadalka musharaxiinta iyo wax yaabaha ay doonayaan mana ahan kuwo diidan Musharaxiinta laakiin waa kuwo la shaqayn doona Musharaxiinta ayuu yiri Siciid Dheere.
Garoowe ayuu ku sheegay in ay tahay Goob Doorasho Caasimadna ay Puntland u tahay sidaa darteedna Musharaxiinta loo ogol yahay in ay Ciidan Kooban qaataan oo iyaga ilaaliya balse aan la ogolayn Gawaari tikniko ah oo Gaaf wareegta Magaalada sidaa darteedna waxaan go’aansanay in arintaasi laga hor tago.
Waxaa jira dad Musharaxiinta Puntland ka mid ah ee Xilal kala duwan Soomaliya kasoo qabtay eed bandanna qaba ilgaara ayaanu u yeelanaynaa Amnigiisa waana u tixgelinaynaa wax yaabaha qaar mana filayno in kuwa kalena ay arintaasi dareen ka qaadi doonaan waayo waa wax xaq ah in meelaha qaar la eego, isku mid maahan nin horay Dowlad Soomaliyeed uga soo shaqeeyey xilalna soo qabtay iyo Musharax hada isa soo shaarxay taana hala ogaado ayuu yiri Taliyuhu.
Hoos ka dhagayso Codka Taliye Siciid Dheere.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.