Boosaaso(RBC Radio) Wasiirka amniga dowladda Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in weerarka qaraxa ah ee lagu qaaday Ciidamada Badda Puntland ay ka danbeyso Kooxda Al-Shabaab.
Khaliif Ciise Mudan oo maanta la hadlay Idaacada laanta af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa ugu horeyn tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxa ismiidaaminta ahaa ,isagoona EEBE uga baryey kuwa dhaawaca ah in Caafimaad siiyo.
Wuxuu ku eedeeyey qaraxa lala eegtay Ciidamada Badda Puntland in ay ka danbeyso Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,isagoona xusay in dhacdadan lagu yaqaano Al-Shabaab.
……..””’Weerarkan waxaa ka danbeeyey dabcan AL-SHABAAB sababtoo ah iyagaa is qarxiya iyagaana is qarxiyey .dad aan qabqabanay waa ay jiraan, kuwa kale oo baadi goob ugu jirnona waa ay jiraan …….”””’ayuu yiri.
Wasiirka amniga dowladda Puntland Khaliif Ciise Mudan oo faahfaahin ka bixinayey sida uu u dhacay weerarka qaraxa ah ee sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ayaa sheegay in uu ahaa mid aad u cuslaa.
…….”’Waxaa dhacday abaara saaka markey ahayd 11-kii qiyaastii ayaa waxaa dhacday Ciidan amniga ah baa ka adeeganayey suuqa weyn ee ganacsiga Boosaaso in uu isku qarxiyey nin watay baabuur NOOHA ah ,meeshaaas ,waxaa ka dhacay dhaawac iyo dhimasho badan……””ayuu yiri Khaliif Ciise Mudan.
Sidoo kale dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayuu ku sheegay Mudane Khaliif Ciise Mudan in ay tahay 7-qof oo dhimasho ah iyo 37-qof oo dhaawac kuwaas oo qaarkood yihiin kuwa culus.
………..”””’ Dhimashadu waa 7-qof dhawaaca inta hada aan tira koobnay waa 37-qof welina baaristii baa lagu jiraa ,Ciidamada amnigu magaaladii bey gacanta ku hayaan ,Wasaarada Caafimaadka iyo dhakhaatiirtu wey shaqeynayaan…..”””’ayuu yiri Khaliif.
Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in Ciidamada Badda dowladda Puntland ay ka dhinteen saddex halka shacabkuna uu yahay afar balse wuxuu intaas ku daray in dadka shacabka ah uu khasaare xoogan u gaaray halka qaar kamid ah lugaha la jaray.
_______________
RBC Radio