Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa shirka Amniga iyo nabadda ee Africa oo ka furmay Paris[Sawirro]

$
0
0

2

Paris[RBC Radio]Dalka Fransiiska gaar ahaana magaalada caasumada uu ah ee Paris,waxaa ka fumar si horu-dhac ah shirka Amniga iyo Nabadda ee Africa oo loogu magacdaray Elysee Summit for Peace & Security in Africa.may.

Shirkaan oo ay sannadkan Soomaaliya ka qeyb galayso waxaa hoggaaminaya waftiga ugau qeyb galaa ku-ximaha wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Marwo Fowsiya Yusuf  Xaaji Aadam.

Shirkani ayaa waxaa ku casuumay madaxda Afrika Madaxweynaha Fransiiska Francois Hollande. Maanta ayaa waxaa furmaya shirka heer wasiiro oo uu wasiirka Arrimaha dibedda France Mr Laurent Fabius, oo caawa casho sharaf u sameynaya Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Afrikaanka.

1

Shirkan waxaa lugu sheegay inuu yahay  mid dalka Fransiiska uu ku xoojinayo xiriirkiisa diblomaasiyadeed ee dalalka Africa, isla markaana looga hadlayo arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin sidii caalamku isaga kaashan lahaa arrimaha Amniga iyo Nabadda, xiriirka iyo horumarinta Dhaqaalaha iyo Isbedelka Cimilada. Waxaa kale oo shirkan ka soo qeybgalaya Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Africa.

Wasiir Fowzia oo hoggaamineysa wafdiga ayaa waxey kulamo gaar gaar ah la qaadan doontaa madaxda dalalka Africa iyo madaxda kale ee ka soo qeybgaleysa shirka, si loo sii xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo beesha caalamka oo sanadkii la soo dhaafay laga sameeyey horumar ballaaran.

Waxana goob joog ka ah madax ka socota dalalka shirka lugu casumay oo la doonayo inay  Fransiiska  xiriir dhow la yeeshan.

______
RBC Radio
Xafiika Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles