Kismaayo[RBC Radio]Wareegto ka soo baxday xafiiska hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)ayaa waxaa maantay lugu magacaabay ciidamo la sheegay in si gaar ah loogu xilsaaray amniga magaalada saldhigga uu ah maamulka Jubba ee Kismaayo.
Waxaa la sheegaya in arrintaan ay timid kadib markii maalmihii ugu danbeeyey ay jireen falal amniga wax u dhimi kara,taaso lugu sababeeyey in la soo magacaabo ciidamo gaar ah oo wax laga weydiinayo xaaladda amniga ee magaalada Kismaayo oo xarun uu ah gobolka Jubbada Hoose.
Xilligii ay ka soo baxdey wareegtada lugu magacaabay ciidamada gaarka ah ee amniga Kismaayo,ayaa waxaa saxaafadda u akhriyey Jen. Cabdi Madoobe oo kamid ah saraakiisha maamulka Jubba, waxana uu faah-faahin ka bixiyey qabka ay u qorantahay.
Sidoo kale sargaalka oo la hadlayey ciidamada waxaa uu sheegay in xilligaan loo bahan yahay ciidamada loo magacaabay inay ka shaqeeyan ammaanka magaalada Kismaayo inay noqdaan kuwo la yimaada isbadal buuxa oo dhanka amniga,waxana uu inta ku daray dardaaran uu ujeediyey ciidanaka isagoona kula dardaarmay ciidamada iyo saraakiishooda in ay sugaan amniga magaalada, isalamrkaana ay ka hortagaan wax walba oo dhibaato u keeni kara shacabka iyo hantidooda.
…”"“Waxaan maantay lamagacaabay ciidamao maanta wixii ka danbeeyo masuul ka noqon doonna ammaanka Kismaayo,waxana idin sheegaya ciidamadiisa masuuliyad weyn ayaa maantay la idin saaray,waayo masuul waxad ka tihiin ammanka magaalada Kismaayo, waxana la idin magacaabay oo la idin ka doonaya inaad cadowga iyo naftiinaba aad ka ilaalisaan hantida shacabka, waxana idin kula dar daarmaya in aad tallaabo ka qaadaan cid walba oo aad u aragtaan in ay qatar ku tahay nabadgelyada…”"”ayuu yiri Jen. Cabdi Madoobe.
Jen. Cabdi Madoobe sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday in guddaha magaaladda laga mabnuucay in askari hub ku dhex wata Kismaayo an la ogalan doonin oo aan ka ahayn ciidamadan cusub ee loo xilsaaray ammaanka, wuxuuna amar ku siiyaan saraakiisha ciidamadan in ay gacanta kusoo dhigaan askarigii ay arkaan isagoo hub sharci darro ah ku dhex wata magaalada.
Hoos ka akhri digreetada ka soo baxdey xafiiska hoggaamiyaha maamulka Jubba ee lgu magacaabay ciidamada sida gaar ka ah loogu xilsaaray amniga.
______
RBC Radio
Xafiiska Kismaayo