Boosaaso(RBC Radio) Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha uu geystay qarax maanta ka dhacay magaaladda Boosaaso.
Dr Cali Cabdullaahi Warsame oo Saxaafadda gudaha la hadlay ayaa sheegay in qaraxu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah isugu jirta isla markaana uu ahaa mid aad u xoogan.
Wuxuu dhimashada ka dhashay qaraxa uu ku sheegay 7-qof oo u ku jiro ninka ismiidaamiyey,waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 37-qof oo u badan dad shacab ah oo marayey wadada qaraxu ka dhacay.
…….””’Dhib weyn baa dhacay,intaan ognahay xogta aan ka helnay mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka gaar ahaana Isbitaalka guud ee Boosaaso,waxaa naloo soo sheegay dhimashada 7-qof iyo dhaawaca 37-qof….””ayuu yiri.
Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah marba marka ka danbeysa tiradoodu sii kordheyso isla markaana lagu daaweynayo Isbitaalka weyn ee Boosaaso.
………”” Tirada dhaawac la keenayo waa sii badaneysaa saacadba saacad ka danbeysa meesha shilku ka dhacay ee qaraxa,waxaa naloo sheegay iney ahayd meel aad iyo aad u mashquul ah,dadku ku badanyahay……”’ayuu yiri.
Xaaladda goobtii uu qaraxu ka dhacay ayaa degan,waxaana magaaladda lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo wareegaya,kuwaas oo baaritaan wada,waxayna Ciidamadu kor u ridayaan rasaas teel teel ah.
Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo Raxanreeb Online ay la hadashay ayaa u xaqiijiyey in dhankooda ciidanka ka dhintay ayaa gaarayaan afar askari iyo lix dhaawac ah.
Isbitaalka weyn ee magaaladda Boosaaso ayaa ah mid maanta mashuul badan halkaas oo badi la geeyey dadkii ku dhaawacmay qaraxa iyo kuwii dhintayba,waxaana gurmadka iyaguna dhankooda ka qeybqaadanaya Shacabka magaaladda Boosaaso.
_____________
RBC Radio