Jowhar[RBC Radio]Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe waxaa maantay gaaray wafti ballaaran,waxana waftigaan ay ka socdeen dowladda faderaalka.
Mas’uuliyinta ka socda dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay isagu jireen xildhibaano iyo wasiiro,waxana hor-kacayey waftigaan Wasiiru dowlaha arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Mahdi Maxamuud Cali.
Ujeedada socdaalka waftigaan ay ku tageen Jowhar ayaa lugu sheegay inay la xiriirto sidii ay uheshiisiin lahaayeen beelihii ku dagaallamay dhawaan duleedka Jowhar.
Xilligii waftigaan ay gaareen degmada Jowhar waxaa halkaa ku soo dhaweyey mas’uuliyinta gobolka oo u hoggaaminayey guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Xaaji Caqiil.
Maxamed Amiin Xaaji Caqiil oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waftigaan ka socda dowladda ay yihiin kuwo qeyb ka noqon doona dhex dhexaadinta laga dhex wadda beelo ku dagaallamay gobolka Shabeellaha dhexe.
…”"‘”Maantay waxaa nasoo gaaray wafti ballaaran oo ka socda dowladda faderaalka Soomaaliya,waxay isagu jireen waftigaan xildhibaano ka tirsan dowladda iyo wasiiro,waxana ujeedadooda imaatin ay tahay sidii ay uheshiisiin lahaayeen beelihii ku dagaalamay dhawaan duleedka Jowhar…”"‘ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jowhar.
Dhawaan ayey ahaayd xilligii dagaallo khasaaro badan geestay ay ka dhaceen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe,waxana xilligaan la sheegaya in Odayaasha gobolka ay qaboojiyeen xaaladdi gobolka ka jirtay.
_______
RBC Radio
Xafiiska Jowhar