Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/Raxmaan Maxamed Maxamuud faroole ayaa sheegay in ay jiraan dad u gurbaan tumaya Colaad ka dhalata Puntland inta lagu guda jiro xiliga Doorashooyinka kuwaasi oo dano gaar ah ka leh buu yiri in Dalka uu ka boxo marxalada Xasiloon ee hada uu ku jiro, Madaxweynu wuxuu sheegay oo kale in mar walba ay jiri karaan hagar daamo ay kooxahaasi Puntland ka abaabulaan iyagoo doonaya un in ay wax canbaareeyaan balse kutalagalkoodu uusan ahayn wax hagaajiya mar uu Maanta ka hadlayay Xaflad lagu soo ban dhigayay 5ta sano ee soo socota Qorshaha Puntland oo ay Wasaarada Qorshayntu soo abaabushay.
“Waxaa jira dad Siyaasiyiin ah ama wax magarato kale ah oo leh Puntland waxay ku jirtaa Xiligii kala guurka yaa kala guuraya halkan waaba la wada dagan yahaye waxaan u gartay kuwa kalmadahaasi is ticmaala in ay Argagixisada la shaqeeyaan ama ay wax ka ogyihiin waxyaabaha xadgudubka ah ee dhaca, waxaan leenahay kuwa hadaladaasi wada ama colaada hurinaya waa kuwo jaraya geedka ay saaran yihiin mana ka yeeleyno taasi waayo geedka inagaba dhanac ayaanu ka saaran nahay xil ayaana inaga saaran Amniga dalka hadaan joogno iyo hadaan maqan nahayba sidaana waxaa yiri Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Faroole.
Dr Faroole wuxuu sheegay hadii xilka looga guuleysto in uusan tagayn Laamiyadana ka caytamayn sida uu hadalka u dhigay balse uu dalka nagi ku ahaanayo kana shaqaynayo Amaanka Hormarka iyo Ganacsiga Dalka sida uu hadalka u dhigay Mudane Faroole.
Hoos ka dhagayso Codka Madaxweynaha oo dhinacyo badan ka hadlaya.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.