Muqdisho[RBC Radio]R/wasaaraha sida KMG ah xilka u haya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa goor dhaweed xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay sida uu u arko go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ay kalsoonida kala noqdeen.
Cabdi Shirdoon Saacid,waxaa uu shirkiisa ku soo qaaday inuu soo dhaweynayo go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida ah kala noqdeen Xukuumadiisa,una dhiiri galinayo inay sii wataan howlahooda shaqo.
…”"”Maantay waxan shirkaan u qabtay si aan ugu hadlo dareenkeyga ku aadan go’aankii xukuumadii an hoggaaminayey Baarlmaanku ay ka qaaten,waxan idin xaqiijinaya inan soo dhawenayo go’aankaas…”"”ayuu yiri Saacid.
Si haya xilka R/wasaarenimo ee Soomaaliya waxaa isagoo hadalkiisa sii wata uu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu uga digayo inay ula dhaqmaan Xukuumadda cusub ee lasoo waddo sidii ay isaga ula dhaqmeen.
Saacid ayaa xusay in Baarlamanka uu usheegayo inaysan noqon kuwa la yimaada dhaqanka ay isaga Xukuumadiisa ku rideen, wuxuuna ugu baaqay inay ka shaqeeyaan danta dalka.
…”"”Baarlamaanka Soomaaliya waxaan u sheegaya inay ula dhaqmaan Xukuumadda cusub ee lasoo wado waxan idin kaga digaya iniidan ula dhaqmin sidii ad ila dhaqanteen,sidoo kale waxan leeyahay oo an u sheegaya Baarlamaanka inaysan noqon kuwa la yimaada dhaqanka ay isaga Xukuumadiisa ku rideen, wuxuuna ugu baaqay inay ka shaqeeyaan danta dalka….”"”ayuu yiri Mr Saacid.
Hadalkaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ka soo baxa Saacid tan iyo markii xukuumadisa kalsoonida ay kala labteen Baarlamaanka,waxana dhawaan la sugaya in madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh uu magacaabo R/wasaare Cusub oo soo dhisa xukuumad.
_______
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho