Baladweyne[RBC Radio]Shacabka ku nool magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa si weyn uga cabanaya isku socodka dadka iyo gaadiidka oo qeybo ka mid ah magaalada ka xiran,kadib markii dhawaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISM ee ku wadda sugan Baladweyne ay xireen qeybo ka mid ah jidadka dhex qaada magaaladasi.
Waddooyinka xilligaan ciidamada amniga u xiran ayaa waxaa la sheegay inay yihiin kuwa ugu mashqulka badan oo ay sida weyn u isticmalai jireen shacabka ku nool Baladweyne,waxana hadda cabasha dooda ay la xiriirta in markale dib loo furi jidadakaasi.
Guddoomiyaha ganacsatada gobolka Hiiraan, Xaaji Cali Kaar oo warbaahina la hadlay ayaa sheegay in jidadka xilligaan ciidamada u xiran inay yihiin kuwo baahi weyn ay u qabaan shacabka.
Sidoo kale guddoomiyuhu waxaa uu soo hadal qaaday inay ka codsaday maamulka gobolka iyo taliska ciidanka inay furaan waddooyinka, si ay caadi ugu soo noqdaan howlaha gaadiidka, dadweynaha iyo ganacsiga oo uu sheegay inuu gaabis ahaa muddadii ay xirnaayeen waddooyinka.
…”"‘”Runtii xilligaan waddooyinka xiran waa kuwo muhiimad weyn ugu fadhiya isku socodka dadweynaha iyo gaadidka,waxaa ay ahaayeen jidadka ay xireen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kuwo baahi weyn loo qabo,waxaan ka codsaday maamulka gobolka iyo taliska ciidanka inay furaan waddooyinka, si ay caadi ugu soo noqdaan howlaha gaadiidka, dadweynaha iyo ganacsiga xilligaan waa gaabis ahaa muddadii ay xirnaayeen waddooyinka…”"”ayuu yiri guddoomiyaha ganacsatada gobolka Hiiraan, Xaaji Cali Kaar.
Dhinaca kale saraakisha ciidamada dowladda ayaa iyagu sheegey inay dhawaan dib u furi doonan jidadka xiran oo ay sheegen inay u xireen arrimo la xiriira dhinaca amniga.
Si kastaba xiritaanka jidadka magaalada Baladweyn aya aka danbeysey kadib qaraxah dhawaan halkaassi ka dhacay kaaso sababay khasaaro baaxad leh.
_______
RBC Radio
Xafiiska Baladweyne