Boosaaso(RBC Radio) Waxaa maanta qarax Ismiidaamin ah lala eegtay gaari ay wateen Ciidamada Badda dowladda Puntland ,iyadoona uu gebi ahaanba burburay gaarigaas oo ah kuwa gaashaaman.
Gawaarida oo kolanyo ahaa ayaa qaraxa lagula eegtay agagaarka Farmashiyaha AL-Xayaat iyo Xarunta ugu weyn Xawaaladda AMAL Placa ee magaaladda Boosaaso,waxaana qaraxa uu sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Goobjooge ayaa Raxanreeb Online u sheegay in qaraxa uu geystay nin watay Mooto (Dhugdhugley),uuna la beegsaday gawaari ay wateen Ciidamada Badda Puntland oo sida la sheegay kasoo baxay Suuqa weyn ee magaaladda.
Warar kale oo aan ka helayno Isbitaalka weyn ee Boosaaso ayaa sheegaya in dhimashadu tahay 10-qof halka dhaawacuna gaarayo ku dhawaad 20-qof balse la filan karo in khasaaruhu intaas ka bato.
Dhanka kale Saraakiil aan xiriir la sameynay oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso ayaa sheegaya in dadka ugu badan ee ku dhintay qaraxa u badan yihiin Ciidamada Badda .waxayna intaas ku dareen in bartilmaameedku ahaa laba sarkaal oo cadaan ah oo gaariga la qarxiyey saarnaa.
Labada Sarkaal oosida la sheegayo tababarayaal u ahaa Ciidamada Badda Puntland ayaa mid kamid ah dhaawac culus uu soo gaaray halka kan kalena uu dhintay kuna gubtay gaariga waa sida Saraakiishu noo xaqiijiyeen.
Waxaa gebi ahaanba la xiray wadooyinka gala Isbitaalka weyn ee Boosaaso iyo goobta qaraxu ka dhacay ,iyadoona dadka shacabka ah loo diiday iney galaan Isbitaalka ,waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan PIS-ta iyo kuwa Bada oo is garabsanaya.
Wararkan wixii kusoo kordha kala soco Raxanreeb Online Iyo Muuqaalkaba
RBC Radio