Garoowe (RBC RADIO) Musharax Maxamed C/nuur ayaa kulan la qaatay Haween waynaha Gobolka Nugaal qaasatan kuwa ku sugan Garoowe wuxuuna Musharaxu kala hadlay qodobo muhiim ah oo haduu xilkan ku guuleysto uu Haweenka si gaar ah ugu qaban doono, waxaana Madasha uu Shirku ka dhacay oo ahaa Hoyga Musharaxa kasoo qayb galay haween kala duwan kuwaasi oo u hamuun qaba in Xilkan uu Musharaxu ku guuleyto iyagoo u arka in uu yahay nin wax wayn soo kordhin kara.
Musharax Maxamed C/Nuur Xirsi oo ugu harayn hadlay wuxuu sheegay in xilkan ku guuleysigiisa haduu alle u sahlo uu doonayo in wax yaabo badan oo muhiim ah uu bulshada u qabto qaasatan haweenka reer Puntland, wuxuu tilmaamay in Puntland u baahan isbedel siyaasadeed mid dhaqaale mid amniyeed iyo Waxbarasho iyo Caafimaad Lacag la’aan ah taana ay u baahan tahay in loo maro wado dheer sabirkeedana la yeesho wuxuuse cadeeyey xilkan haduu ku guuleysto in dadka Puntland ay dareemi doonaan wax badan oo iska bedela Dabeecadihi ay Maamuladi hore ku aqoon jireen.
Haween tira beel ah oo Musharaxa Su’aalo weydiiyay ayaa soo hadal qaaday in uu soo celinayo Deegaanada Maqan haweenka waxa uu u qabanayo iyo talaabada uu ka qaadayo Caafimaadka iyo Waxbarashada, waxayna sheegeen in ay hadii ay awood u leeyihiin dooran lahaayeen Musharax Maxamed C/nuur hase yeesheeaysan waxba gacanta ugu jirin waxayse ka codsadeen Xildhibaanada 66da ah ee Puntland in ay Codkooda siiyaan Musharax Maxamed C/nuur.
Kulankaasi wuxuu kusoo idlaaday jawi dagan iyo is faham isagoo balan qaad kala duwanna u sameeyey Musharaxu Haweenka Gobolka Nugaal, Musharax Maxamed C/Nuur ayaan ku ekeenayn Gobolka Nugaal oo kaliya wuxuu Maanta gaaray Magaalada Qardho kadibna wuxuu uga sii gudbi doonaa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari halkaasi oo uu kusoo bandhigi doono wax qabadkiisa hadii loo doorto xilka Madaxtinimo ee Puntland.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.