Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa waxaa ay soo sheegayan in heegan buuxa la galiyey ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan.
Saraakil u hadashey ciidamada waxaa ay sheegen inay duulan ku yihiin deegaanno dhoor ah oo ka tirsan gobolka,ee xilligaana ka maqan gacanta dowladda oo ay ka taliyaan Ururka dowladda la dagaallama ee Al Shabaab,sidoo kale saraakishu waxaa ay caddeyen in ciidamadu ay diyaar u yihiin dagaallo ay la galaan Al Shabaabka ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaasi Bakool.
Waxaa ay sheegen saraakisha ciidanka ku sugan gobolka Bakool hoggaaminaysa in deegaannoada ay xilligaan duulanka ku yihiin inay ka mid yihiin degmooyinka Xudur,Tiyeegloow iyo Rabdhuuro oo dhamantooda ka tirsan isla gobolkaasi Bakool,waxana degmooyinka xilligaan gacanta ku haya oo ka arrimiya Al Shabaab.
…”"”Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Bakool,xilligaan waxan galinay heegan buuxa waxana ay diyaar u yihiin dagaal ay ku qaadan deegaannada gobolka ku yaalla ee ay ku sugan yihiin Al Shabaab,waxan rabnaa inan garano degmooyinka ay ka midka yihiin Xudur,Tiyeegloow iyo Rabdhuuro,waxana ciidamada ka go’an inaysan dib usoo jeesan illaa ay gaaran halka ay ku wajahan yihiin…”‘“‘ayuu yiri sargaal u hadlay ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Bakool.
Sidoo kale saraakishu waxaa ay sheegen in xilligaan ciidamo ku filaan inay u duulan tagaan deegaanada ay ku wajahan yihiin inay diyaarsan yihiin oo ay u dhantahay saanadooda ciidan sida ay sheegen.
Ururka Al Shabaab ee isaguna la dagaallama dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu ku sugan yahay xilligaan inta badan deegaannada gobolka Bakool,waxana gobolkaasi uu ka mid yahay deegaannada ay joogan ciidamada ugu badan ee ay Shabaab leeyihiin.
_______
RBC Radio