Muqdisho (RBC Radio) Waxaa caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho kusoo badanaya Siyaasiyiin kala duwan ee dadaal siyaasadeed ugu jira sidii loogu magacaabi lahaa xilka R/Wasaaraha Soomaaliya ee dhawaan laga qaaday Cabdi Farax Shirdoon “Saacid”.
Xafiiska Madaxweyne Xassan SH ayaa waxaa lagu arkayaa shaqsiyaadka lagu yaqaano u ololeynta siyaasiyiinta xildoonka ah.
Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Mudane Xassan SH ayaa dhawaan sheegay in uu si degdeg ah uu u soo magacaabi doono R/Wasaare cusub.
Latilayaasha madaxweynaha ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ku taliyeen in loo magacaabo xilka R/Wasaaraha Soomaaliya qof Siyaasi ah oo soo shaqeeyey isla marahaantaasna musuqmaasuq aan aqoon oo waji wanaagsan u horseeda Dowlada Fedraalka oo wax weyn ka badali karo sawirka guud ee Dowlada Soomaaliya.
Waxaa lagu soo waramayaa Madaxweyne Xassan SH uu gudigan u sheegay shaqsi leh 2 arimood oo aad muhiim u ah.
1- Xiriirka Caalamiga
B- Aqoon yahan ah, Dhanka Deeqaha aqoon u leh
T- Musuqmaasuq aan aqoon
J- Wada shaqeyn kala Dhaxeysay beesha Caalamka
2- Xiriirka Puntland
B- U dhexdhexaad ah Beelaha Puntland wada dhistay.
T- Siyaasada Puntland kasoo shaqeeyey.
J- Magac Wanaagsan ku dhexleh Dhamaan Bulshada Puntland.
Siyaasiyiinta Beelaha Muqdisho ayaa aad uga horyimid labo siyaasi oo reer Puntland ah oo maalmihii hore ay doorbideen gudiga badigoobka R/Wasaare.
Waxaa aad u xoogeysanaya hadalheynta ah in xilkaas loo magacaabo Abdulkadir A Hashi (Gaabane) oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Abdulkadir waxa uu kamid ahaa 3dii qofood ee isugu soo haray xilkaan kahor intii aan loo magacaabin Raiisal Wasaarihii kalsoonida lagala Noqday Mudane Saacid.
Abdulkadir waxa uu Puntland kasoo noqday Wasiiru Dowlaha Xiriirka Caalamiga ah waxaana uu heer aan horey loo arag gaarsiiyey xiriirka ay Puntland la leedahay Beesha Caalamka, waxaana uu u horseeday in ay Puntland la yeelato xiriir baaxad leh oo wanaagsan dhamaan deeq-bixiyaasha.
Dr Abdulkadir ayaa ah qof aad u hufan aqoon weyna u leh guud ahaan siyaasada Soomaaliya waxa uu hormuud u noqon karaa xukuumad tayo sare u leh hogaanka dalka waxa u noqon karaa qofkii isku soo dhaweyn lahaa qeybaha Soomaalida.
Raxanreeb
Moqdishu