Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Soomaaliland oo ka hor-istaagay wafti ka socda Ururka mucaaradka ah ee UCID inay booqdaan Gebilay[Sawirro]

$
0
0

1

Hargeysa[RBC Radio]Ciidamada ammaanka ee maamulka  Somaliland ayaa ka hor-istaagay wefdi ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee UCID inay booqdaan Gebilay.
Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo hor-kacayey weftigaas ayaa ku eedeeyey maamulka Soomaaliland  inay bixisay amarka lagu hor-istaagay isaga iyo weftigiisa isagoo sheegay inay xisbiyada mucaaradka ahi ay tallaabadan u arkaan caburin xukuumaddu kula kacayso xisbiyada mucaaradka ah.

Xubnaha Ururka mucaaradka ah ka socday waxaa qeyb ka ahaa xog-hayaha maaliyadda xisbiga UCID Faadumo Siciid, guddoomiyaha garabka Haweenka ee Xisbiga UCID Xaliimo Cismaan Raage, Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga UCID , Xildhibaano iyo Saraakiil sar sare oo Xisbiga UCID ka mid ah.

2

Sidoo kale waxaa uu sheegay Jamaal Cali Xuseen oo ah ninka ugu sharaxan xisbiga UCID xilka madaxweynanimo ee Soomaaliland, in haddii loo ogolaan waayo inay galaan magaaladda Gabiley ay kaga jawaabi waayaan mudaharaad, isla markaana caalamka iyo dalalka daneeya Somaliland usoo bandhigi doonaan xayiraadda xisbigoogga loogu sameeyey.

…”"”‘Amar ka soo baxay xukuumada ayaa lugu diiday inan galno Gebilay,waxana taasi ay noqonaysa midaan u aragno caburin xukuumaddu kula kacayso xisbiyada mucaaradka ah,waxan rabna inan arrintaa ugu jawaabno dibad baxyo ballaaran oo an dalka oo idin ka abaabulayno gaar ahaana Hargeysa,sidii kale caalamka ayaan arrinta u bandhigeen maadamaa ay tahay sharci darro…”"”"ayuu yiri Jamaal Cali Xuseen.

Si kastaba arrintaa ayaa la sheegaya inay tahay mid ka yaabisey xisbiyada kale ee mucaaradka ah ee ka jira deegaannada maamulka Soomaaliland,waxana la sheegaya inay suragal  tahay inay kiciso xiisad cusub oo ka dhex dhalata xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumada madaxweyne Siilaanyo.
______
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles