Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20152

Ku-simaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo shirar kaga qeyb galaysa France[Sawirro]

Image may be NSFW.
Clik here to view.
3

Muqdisho[RBC Radio]Magaalada caasumada ah ee Muqdisho waxaa maantay ka dhoftay wafti ay hor-cayso ku-simaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan,waxana la sheegay safarkeeda inuu ku wajahan yahay dalka France gaar ahaana magaalada xarunta uu ah dalkaasi ee Paris.

Waxaa la sheegay in dalkaasi ay uga qeyb gali doonto shir madaxeedka waddamada Africa iyo France,waxana shirkaasi ka qeyb galaya sida la sheegay ugu yaraan 40 hogaamiye , waxana looga hadli doonna mudda uu socda arrimo ay ka mid yihiin xasilinta wadamada qalalaasaha ammaan xumo uu ka jiro oo ay ka mid yihiin Mali, Central African Republic iyo Soomaaliya , waxaana shir gudoomin doona madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande.Image may be NSFW.
Clik here to view.
2

Arrimaha kale ee shirka lugu soo qaadi doonna oo wax la iska weydiin doonna waxaa ka mid ah la dagaalanka argagaxisada ,burcad badeeda , dhaqaalaha ,horumarinta iyo isbadalka cimilada , waxana dhanka Soomaaliya la xaqiijiyey inay muujin doontaa baahida ay u qabto in laga taageero tayeynta iyo qalabeynta ciidamada milatariga iyo kuwa badda ,taasoo ay barbar socoto codsiga taageero howlgalo amni.

Sidoo kale Fawsiyo waxaa la sheegay mudda uu shirka socda inay sidii kale kulamo gaar gaar ah la yeelato madaxda lagu casuumay furitaanka shirkaasi oo socon doona maalmaha Jimcaha iyo Sabtida .Image may be NSFW.
Clik here to view.
1

Shirkii kand ka horreyey ee ahaa kii 25-aad ee dowladaha Africa iyo France oo lagu qabtay Magaalada Nice 31 May -1 June 2010 ayaa waxaa Soomaaliya uga qeybgalay madaxweynihii hore ee KMG Sharif Sheikh Ahmed.

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Facebook
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Twitter
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Google+
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20152

Trending Articles