Muqdisho (RBC) Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay diyaarinta mooshin laga cabsi qabo inuu helo codad fara badan kaasoo ujeedadiisu tahay inaanay xukuumada cusub ku soo laaban wasiiradii ku jiray xukuumadda raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.
Mid ka mid ah xildhibaanada wada mooshinkan oo sheegay in magaciisa aan loo xiganin warkan, maadaama weli mooshinku bilaw yahay, ayaa Raxanreeb u xaqiijiyey in shalay la bilaabay diyaarinta mooshinkan illaa haddana ay heystaan illaa 40 xildhibaan oo taageersan, waxaana weli socda kulamada gaar- gaarka ah ee ay yeelanayaan mudanayaasha taageersan mooshinka.
Kulamadan oo ka socda hotelada iyo guryaha ay xildhibaanada degan yihiin ayaa waxaa ujeedkoodu yahay sidii taageero badan loogu heli lahaa soo jeedintan (mooshinkan) ay keeneen qaar ka mid ah xildhibaanada doonaya in wasiirada tobanka ah ee ku jiray xukuumadda Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid inaysan meel dambe ka soo gelin xukuumadda cusub.
Warar soo baxay maanta gelinka dambe oo ay heshay Raxanreeb ayaa sheegaya in diyaarinta mooshinkan ay markii hore keeneen xildhibaanadii horey u keenay mooshinkii lagu riday xukuumadda, hase yeeshee waxaa hadda ku soo biiray xildhibaanadii laga tirada batay oo iyagoo ka xanaaqsan riditaanklii xukuumadda hadda raba in wasiirada kooxda Dam Jadiid ka yimid ee madaxweyne Xasan Sheekh raacsan aysan fursad dambe u helin inay soo galaan liiska xukuumadda cusub.
WASIIRADA SOO LAABAN KARA
Tan iyo maalintii Isniinta ee codka kalsoonida lagala noqday xukuumadda raysul wasaare Saacid ayaa waxaa si weyn loo hadalhayey xubnaha garabka midig u ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku jiray xukuumadda raysul wasaare Saacid kuwaasoo la sheegayo inay u ololeynayaan in madaxweynuhu kusoo daro liiska xukuumadda cusub ee la soo magacaabi doono.
Raxanreeb ayaa ogaatay in illaa lix wasiir oo ka mid ah xukuumadda hadda jirta oo ah xubnaha markii hore ka soo galay dhinaca ururka Damu Jadiid ay u ololeynayaan inay ku soo laabtaan xukuumadda cusub. Isla arrintan ayaa ahayd bu’da khilaafka madaxweyne Xasan iyo raysul wasaare Saacid ka dib markii raysul wasaaruhu horey u diiday in xubnahan ay soo laabtaan halka madaxweynuhuna doonayey inay soo laabtaan oo xukuumadda marka iskushaandheyn lagu sameeyo ay soo galaan.
Kulankii baarlamaanka ee Isniintii ayaa waxaafadhiyey wasiiro haddana xildhibaano ah oo u codeeyay in xukuumadda ay ku jiraan ay dhacdo, taasoo xildhibaanada qaarkood ay ku tilmaameen khiyaano.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Kulalihi oo ka mid ah xildhibaanadii taageersanaa xukuumadda ayaa maalintii Isniinta saxaafadda u sheegay inuu isagu arkay wasiiro kulanka baarlamaanka fadhiyey oo hadda u codeeyay inay xukuumadda ay ku jiraan ay dhacdo.
Si kastaba, haddii mooshinkan bilawga ah uu helo tiro ku filan xildhibaanada inay gudbiyaan uuna sidaas ku noqdo mooshin sharci ah ayaa waxaa la sheegayaa inay noqon doonto jid gooyadii ugu weyneyd ee baarlamaanka uu u dhigto wasiirada Damu Jadiid ee xukuumadda ku jira.
RBC Radio