Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xassan SH” Mar Danbe Lama Xirayo Gabar la Kufsaday”[Sawirro]

$
0
0

20

Muqdisho[RBC Radio]Xubno ballaaran oo u hor-kacayey madaxweynaha dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,ayaa maantay ka qeyb galay xiritaankii tababar labadii maalin ee ugu dambeysay ka soconayay xarunta Xalane ee magaaladda Muqdisho.

Tababarkan waxaa uu ahaa mid loo qabtay haween Soomaaliyeed oo lagu baranayay doorka Haweenka ay ku leeyihiin ka hortaga tacadiyada haweenka ka dhanka ah iyo kaalinta horumarka dalka ay ku leeyihiin.

Madaxweyne Xassan Sheekh xiritaankii taba barkaan waxaa ku waheliyey, wasiirka horumarinta adeega bulshadda Soomaaliya, wakiilka ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicolas Key, Safiiradda dalalka Talyaaniga iyo Sweden u fadhiya Soomaaliya, madax ka socotay ka Midowga Yurub, Midowga Afrika, haween iyo marti sharaf kale.

Madaxda iyo ka soo qayb galayasha ayaa waxaa ay jeediyeen khudbado kala gadisan oo la xiriiray tababarka ay qaateen Haween Soomaaliyed oo la sheegay inay ka kala yimaaden gobollada dalka,waxana soo qaban qaabisay Haweenada lugu magacaabo Ruqiya,waxana ujeedada shirka ay ku sheegtay Ruqiya inay la xiriirto in haweenka Soomaaliyeed dhinacyo fara badan ay ka liitaan loona baahanyahay in dhinacyada ay ka liitaan laga taageero.15

Inta aysan hadalka qaadan madaxdii shirka ka qeyb gashay waxaa iyagu ka warbixiyey shirkaan socda muddada labada maalin ah waxaa uu la xiriiray iyo wixii ay ka faa’iden qar ka mid ah Haweenkii la sheegay inay ka kala yimaaden gobollada dalka,waxana ay sheegen in muddada shirka socday ay ka karorsaden aqoon badan oo ka maqney markoodi hore,waxana ay ku baaqen in laga wadda shaqeeyo sidii Haweenka Soomaaliyed loogu garabsiin lahaa ka qeyb qaadashada horumarka dalka.

Nicolas Key wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,ayaa isna madasha hadal ka jeediyey waxaana uu soo hadal qaaday,in shirkaan mudadii uu socday xafiskiisa uu soo qaban qaabiyay ayaa isna u mahadceliyay kasoo qeyb galayaasha kulanka. maanta iyo haweenkii sminaaarka mudada uu socday ka qeyb qaatay.19

Maryan Qaasim Axmed oo iyaduna ah wasiirka horumarinta adeega bulshadda ee xukuumada xilligaan sida KMG ah ku shaqeynaysa,waxana ay dhankeeda soo hadalq aaday in haweenka Soomaaliyeed dhibaatooyinka heysta qaarkood ay kala kulmaan qabaa’iladda Soomaaliya, taasina looga gudbi karo oo keliya in haweenku ay gacmaha is qabsadaan.

Ugu danbeeyntina madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isan si cadd shirka uga sheegat in dowladda Soomaaliyeed ay diyaarineyso qorshe lagu daryeelayo sidii haweenka Soomaaliya dhibaatooyinka looga badbaadin lahaa.

…”"”Dowladda waxaa ay marwalba doonaysa oo ay ku raja weyntahay inay hirgelin doontaa isbitaal gaar ah oo lagula tacaalo haweenka la kufsado ee dhibanaha ah, talaabo ayaana laga qaadayaa cidii falalka nuucaasi oo kale lagu helo…”"”ayuu yiri madaxweyne Xassan.

Haweenka Soomaaliyed ayaa la sheega inay dhibaato xooggan dalka ku haysato,inaksto dowladda Soomaaliya ay ku cel celiso inay ka dadaali doonto sidii haweenka Soomaaliyed loo horumarin laha.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

11

12

13

14

15

16

17

17

18

20

_____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles