London[RBC Radio]Muddo ka badan 23-sanno ka dib boqoradda dalka Britain Queen Elizabeth,ayaa maantay waxaa ay waraaqihii aqoonsiga ka gudontay safiirka Soomaaliya ee dalkaasi loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe.
Xalfad ballaaran oo ka dhacdey qasriga madaxtooyada ee dalka Britain oo ay ka soo qeyb galeen inta badan qoyska boqoradda ayaa safiirka looga gudoomay waraaqihiisi aqoonsiga.
Safiirka Soomaaliya u fadhisanaya dalkaasi muddo ka badan 23-sanno Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa gacan qaaday qeybo ka mdi ah qoyska boqoradda iyadoona la arkayey safiirka oo salaamaya da’yar ka tirsan qoyska boqorada,waxana lugu soo dhaweeyey safiirka fardaha boqortooyada sida dhaqanka ah oo iyagu gelbiya martida tageysa aqalka boqortooyada Britain.
Dhinaca kale kulan weyne uu ka qeyb galay safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Uk,aaya xalay ka dhacay qasriga madaxtooyada,waxana taasi ay ka dhigaysa in muddo dheer ka dib Soomaaliya lugu arkay ka qeyb galka shir lamid ah midka dhex maray safiirka Soomaaliya ee Uk iyo boqoradda dalkaasi ee Queen Elizabeth.
Soomaalida dalkaasi ku nool ayaan iyagu heysan xafiisyo iyo safaarad xaquuqdoda udooda,base xilligaan qar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi Britain,oo gor dhawed Raxanreeb lahad layey ayaa sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin in maantay waraaqihii aqonsiga lagala wareegay safiirka Soomaaliya u fadhisanaya dalka Britain.
…”"”"Runtii waxaa jirtay baahi weyn oo an u qabney si an u helno safaarad xaquuqdena nooso dhicisa,maantay lama qiyaasi karo dareen keena waxan arkeynay safiirka oo gacan qaaday boqoradda arrinta waxay nala noqotay wax weyn,waxana rajeynayna in safiirka uu la yimaado shaqo wanagsan…”"”"ayey yirahdeen qar ka mid ah Soomaalida dalkaasi oo Raxanreeb la hadlayey.
Si kastab arrintaan ayaa waxaa ay ka dhigaysa inay sii xoojiso xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Britain .
Goo dhow naga fisha muuqal iyo safiiro la xiriira munaasabada
__
RBC Radio