Muqdisho(RBC Radio) R/wasaarihii hore ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa maanta Bogiisa Facebook,ga soo dhigay fariin kooban oo u uga hadlayo mustaqbalka dalka iyo sida uu u arko go’aanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
R/wasaarihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegay inay shacabka Soomaaliyeed kasoo gaareen fariimo badan, wuxuuna tibaaxay in dadkaas badankoodu ay ka walwalsanyihiin mustaqbalka dalka.
“Waxaa fariimo badan soo dhigaya barta aan Facebook-ga ku leeyahay shacabka Soomaaliyeed oo ka walwalsan mustaqbalka dalka iyo inay wax iska bedelaan horumarka ka socda guud ahaa wadanka Soomaaliya” ayuu yiri Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.
R/wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is dejiyaan, wuxuuna tilmaamay in horumarka ka socda Soomaaliya uusan u dhutin doonbin kalsooni kala noqoshada xukuumaddiisa.
Wuxuu ka ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inaysan wax walwal ah ka muujin in dowladda federaalka Soomaaliya uu burbur ku yimaado, wuxuuna ka dhawaajiyay in dowladnimada Soomaaliya ay gaari doonto gobolada dalka oo aysan dib u dhac ku keeni doonin kalsooni kala noqoshada xukuumadiisa.
R/wasaarihii hore ee dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegay inuu soo dhowaenayo go’aanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna farta ku fiiqay in Baarlamaanka Soomaaliya uu markii hore codka kalsoonida siiyay xukuumadiisa hadana uu kala noqday, taasina ay tahay shaqada Baarlamaanka.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho