Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shirkaddo caalami ah oo dalbaday inay la wareegaan maamulka iyo horumarinta dekedda Kismaayo[Sawirro]

$
0
0
Dekeda Kismaayo

Dekeda Kismaayo

Kismaayo[RBC Radio]Wakaaladda wararka faafisa ee Reuters ayaa warbixin dheer ka qortay qorshaha shaqo ee dekedda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose,waxana war ay wakaaladdu ka qortay dekedda Kismaayo ay ku sheegatay inuu jiro qorshe ay wadaan shirkaddo caalami oo danaynaya inay la wareegaan maamulka iyo horumarinta dekedda magaalada Kismaayo.

Wakaaladda oo waraysi ka qaadaysay Cabdiqani Jaamac oo ah la taliyaha sare ee hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in toddobo shirkadood oo qaabilsan socod-siinta howlaha dekedaha ay tartan ugu jiraan sidii ay ula wareegi lahaayeen maamulka dekedda.

Waxana uu sheegay masuulkan in shirkadda saddexaad ee ugu weyn caalamka maamulka dekedaha, DP World oo laga leeyahay Dubai ay ka mid tahay shirkadaha daneynaya inay la wareegaan dekedda Kismaayo,sidoo kale waxaa la sheegay in shirkaddaha doonaya inay ka shaqeeyan dekedda in laga leeyahay waddamada China, Turkey, Kenya, South Africa iyo America.File photo of a man standing near boats at the sea port of the coastal town of Kismayu

La taliyaha sare ee hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Cabdiqani wuxuu uu xaqiijiyey in xilligaan loo baahan yahay lacag dhan $250 milyan si loo dayactiro dekedda oo saddex jibbaar hoos uga qoto-dheer tan caasimadda Muqdisho.

…”"‘Waxaa uu yahay qorshuhuu oo heshiiska ku jira in 250 milyan ee doollar shirkadda loo oggolaado inay dekedda maamusho 25 ilaa 50 sano si shirkaddu ay dayactir, qalabayn iyo casriyayn ugu sameyso dekedda…”"‘ayuu yiri Cabdiqani Jaamac oo xilliga uu la hadlayay Reuters ku sugnaa dekedda.File photo of workers standing at the sea port of the coastal town of Kismayu in southern Somalia

Isku soo wadda dubo dekedda magaalada Kismaayo ayaa ah isha dhaqaalaha ugu weyn ee maamulka KMG ah ee Jubba oo xilligan saldhig ay u tahay Kismaayo,balse arrinta xilligaan soo shacbaxdey waxaa ay noqonaysa mid wax badan ku kordhin karta shaqada dekedda Kismaayo oo an muddo wax dayactir ah helin.
____
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles