Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qeyb galaysa shirka waddamada saxiixay ka hortaga isticmaalka hubka halista[Sawirro]

$
0
0

4

Hague[RBC Radio]Dowladda Soomaaliya ayaa markeedi ugu horreysay waxaa ay ka qeyb galaysa shirweynaha wadamada caalamka ee saxiixay heshiiska ka hortaga isticmaalka hubka halista ah ee kiimikaalka oo marka magacooda loo soo gaabiyo loo yaqaan , OPCW kaasi oo ka furmay magaalada Hague ee dalka Holland.

Isticmaalka hubka halista ah ee kiimikaalka ayaa ah mid dunidda oo idil mobnooc ka ah,inkasta oo aysan Soomaaliya adagsan hubka ayanan jirana warshaddo sameeya oo ku yaalla,haddana waxaa lugu casumay inay ka soo qeyb galay shirka lugu diidayo isticmalka hubka khatarta ah ee dunidda an laga ogaleen.

Waftiga Soomaaliya abid shirkaan ugu qeyb galayaa waxaa hoggaaminaya safiirka Soomaaliya u fadhiya xafiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ee Geneva, Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari-Bari,waxana ay dalka Soomaaliya uu yahay islamarna ka mid noqdey wadamadii ugu danbeeyey oo xubin ka noqda ururkaasi, waxaana uu shirkaasi socon doonaa ilaa 6da bisha December, iyadoo ay ka qeyb galeen madax kala duwan.1

Safiirka Soomaaliya u fadhiya xafiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ee Geneva, Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari-Bari oo hadal ka jeediyey shirka ayaa waxaa uu soo hadal qaaday xaaladda ka jirta Soomaaliya iyo qorshayasha uu sheegay in lugu doonayo dib u dhiska iyo dib usoo nooleynta hay’addiihii dowladda Soomaaliya.

Yuusuf Bari Bari oo khudbadiisa sii wata ayaa waxaa uu soo hadal qaaday in xilligaan ay jirto baahida loo qabo in la helo adeegyo cusub oo casri ah kaa oo gacan kasiinaya wadamada xubnaha ka ah OPCW inay ka hortagaan hubka Kiimikaalka, isagoo tacsi u diray shacabka Syria ee dhibaatada ku jira, oo uu Alle ka baryay in dhibaatada ay ku jiraan uu Alle ka dulqaado.

Ka qeyb galka shirkaan ee dowladda Soomaaliya waxaa uu imaanaya xilli ay wali jirto xasilooni dari dalka ka jirta maadamaa dalka qeybo ka mid ah ay ka taliyaan ururka dowladda la dagaallama ee Al Shabaab.

4

5

_____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles