Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo gabagabayn doono shir labadii maalmod ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo looga hadlayay waxyeelooyinka loo gaysto Haweenka Soomaaliya, waxaana kulanka soo qabanqaabiyay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe.
Kulanka oo iminka ka socda xarunta ciidamada AMSIOM ee Xalane ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxweynaha Soomaaliya, Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nichlos Key, Wasiiradda adeega bulshada xukuumada Maryan Qaasim iyo Safiirro ka kala socda dowladaha safaaradaha ku leh magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.
Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nichlos Key oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka furi doonaan xafiis loogu doodo Dumarka Soomaaliyeed, si loogu soo bandhigo tacadiyada loo gaysto Haweenka Soomaaliyeed.
Nichlos Key ayaa sheegay inuu dowladda Soomaaliy ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kala hadli doono sidii ay Dumarku kaalin mug leh ugu yeelanlahaayeen dowladda.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiligaan khudbad u jeedinayay kasoo qaybgalayaasha kulanka, wuxuuna khudbadiisa diiradda ku saarayaa ka hadalka waxyeelada lagula kaco Haweenka Soomaaliyeed.
Kulanka looga hadlayo waxyeelada loo gaysto Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Golaha Qaramada Midoobe, waxaana ka qaybgalaya Haween ka kala yimid gobolada dalka,shirka ayaa socday labadii maalmod ee lasoo dhaafay.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho