Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Gobolka Banaadir: Cidii Gurigeeda Ku Dayactiri Weysa 3 Bilood Waan Kala Wareegeynaa

$
0
0

astaanta banaadirMuqdisho (RBC) Wareegto maanta ka soo baxday maamulka Gobolka Banaadir ee caasimada dalka ayaa digniin loogu jeediyey dadka iska leh guryaha aan dayactirka lahayn rr sida ba’an u burbursan ee ku yaalla degmooyinka magaalada Muqdisho.

Wareegtadaasi oo uu saxaafadda u akhriyey Xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Hilowle ayaa lagu sheegay in mudo saddex bilood ah ay heystaan dadka iska leh guryaha burbursan ee ku yaalla magaalada Muqdisho inay ku dayacyiraan.

“Waa amar ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho in cidii mudadaasi saddexda bilood ah ku dhisan weysa gurigeeda lagala wareegi doono.” ayuu yiri Xoghayaha Gobolka Banaadir oo wareegtadaasi akhriyey.

Markii wareegtada uu akriyey ka dib ayaa waxaa la weydiiyey waxa maamulka ka yeeli doono dadka aan awoodin inay dayactirtaan guryahooda ama dalka ka maqan.

“Ciddii aan awoodin hanala soo xiriiraan anaga ayaa wax ka qabaneyna.” ayuu yiri Cabdi Kaafi oo intaa ku daray. “Umaleyn maayo nin guryahaasi fillooyinka ah uu dhisan waayo”.

Xoghayaha Gobolka Banaadir ayaa dhinaca kale kula taliyey mulkiilayaasha guryaha burbursan ee heysta dukumintiyada lahaanshaha guryaha inay la heshiin karaan shirkadaha dhismaha si guryahooda loogu dayactiro ka dibna loo kireeyo ayna sidaas isaga bixiyaan kharashka loogu maalgeliyey dhismaha.

Waa markii ugu horreysay oo amar noocaan oo kale uu ka soo baxo maamulka gobolka Banaadir laguna amro dadweynaha inay guryahooda saddex bilood ku dayactiraan.

Magaalada Muqdisho oo amaankeedu uu soo hagaaagaey muddooyinkan dambe ayaa soo jiidatay dad isugu jira ganacsato iyo qurbejoog oo dhismayaal carsi ah ka hirgaliyey magaalada hase yeeshgee waxaa degmooyinka qaar weli ku yaalla guryo burburan oo bilicda waddooyinka iyo faras magaalaha dhibaato ku ah.

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles