Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Banaadir oo sadex Bilood u qabtay inay ku dayactirtaa dadka iska leh guryaha burbursan ee ku yaalla goobaha muhiimka ah ee Muqdisho

$
0
0

astaanta banaadirMuqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku hanjabay inay la wareegi doonaan guryaha muhiimka ah ee ku burburay dagaaladii sokeeye ee  dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya hadii ay dayactiran waayaan dadkii iska lahaa.

Xoqhayaha maamulka gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Hilowle ayaa warbaahinta u akhriyay Dekereeto kasoo baxday gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, wuxuu sheegay Tarsan in maamulka gobolku uu ku amrayo milkiilayaasha iska leh guryaha burbursan ee ku yaalla guubaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho inay ku dhistaan muddo sadex Bilood ah.

Xoghaya maamulka gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Hilowle ayaa sheegay in mudada uu maamulku u qabtay milkiilayaasha iska leh guryahaas hadii ay ku dhisi waayaan uu maamulku la wareegi doono, wuxuuna tibaaxay Xoghayuhu in guryahaas ay ku yaalaan goobo muhiim u ah bilicda magaalada Muqdisho.

Dekreetada kasoo baxday gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Muur Tarsan ayaa lagu sheegay in in mudada loo babtay milkiilayaasha guryahaas hadii ay ku dayactiri waayaan uu maamulku kala wareegayo si milicda magaalada Muqdisho loo soo celsho.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Hilowle ayaa wax laga waydiiyay sida uu maamulku ka yeelayo dadka aan wadoooyin inay tayactirtaan guryahooda, ayaa ku jawaabay in dadkaas ay ku soo wargeliyaan maamulka gobolka Banaadir.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles