Muqdisho(RBC Radio) Banaan-bax lagu taageerayay go’aanka Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay kalsoonida kagala noqdeen xukuumadii R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa saakay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Dadka dibad baxa samaynayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku taageerayaa go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya ay ka gaareen khilaafkii u dhexeeyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo R/wasaarihiisii hore Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.
Shacabka dibadbaxayay ayaa si aad ah ugu faraxsanaa isbedelka dalka ka dhacay, waxayna ku dhawaaqayeen kalmado ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan Baarlamaanka federaanka Soomaaliya.
Dibadbaxyaasha ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inuu si deg deg ah u soo magacaabo R/wasaare howlkar ah oo dalka wax badan u qaban kara si loo gaaro horumar iyo dowladnimo buuxda.
Shacabka banaanbaxayay sheegay inaysan jirin cid soo abaabushay, balse ay ku faraxsan yihiin isbedelka dalka ka dhacay oo ay hormuudka u ahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kalsoonida kala noqay xukuumada R/wasaare Saacid, ayna taasi ku dhalisay inay wadooyinka ku muujiyaan sida ay u soo dhowaynayaan isbedelka dalka ka dhacay.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho