Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Maamulka gobolka Shabeelaha dhexe oo tafaasiil ka bixiyay booqashada ay shalay gobolkaas ku tageen xubno ka socday QM

Image may be NSFW.
Clik here to view.
jowhar0
Jowhar(RBC Radio) Masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa tafaasiil ka bixiyay booqasho ay shalay gobolkaas ku tageen xubno ka socday Qaramada Midoobe oo gobolka u tagay inay soo qiimeeyaan khasaaraha ka dhashay fadataahada uu wabigu ka gaystay deegaanada gobolka iyo xaaladaha Bini’aadanimo ee ka jirtay gobolka Shabeelaha dhexe.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka siyaasada gobolka Shabeelaha dhexe Mudane Yuusuf Cabdi ayaa ka warbixiyay booqasho ay shalay gobolka ku tageen masuuliyiin uu hogaaminayay isku duwaha gargaarka Bini’aadanimo ee QM u qaabilsan Soomaaliya Filib Lasaraani.

Yuusuf Cabdi ayaa sheegay in masuuliyiinta shalay gobolka soo gaartay ay u koorgeli doonaan xaalada Bini’aadanimo ee gobolka jirta iyo khasaaraha uu wabiga Shabeelle ka gaystay deegaanada gobolka Shabeelaha dhexe.

Dhanka kale gudoomiye ku xigeenka  ayaa tibaaxay in wafdiga caalamiga ah ee shalay yimid magaalada Jowhar ay kormeereen xarumo ay Jowhar ka degenyihiin dadka kasoo barakacay deegaanada gobolka , wuxuuna xusay inay warbixinno ku saabsan xaaladaha Bini’aadanimo ee gobolka ka jira ay ka dhagaysteen masuuliyiinta maamulka gobolka.

Wafdiga balaaran ee shalay gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa u kuurgeli doona xaalada adag ee ka taagay deegaanada gobolka iyo khasaaraha uu wabigu u gaystay  shacabka gobolka Shabeelaha dhexe

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Facebook
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Twitter
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Google+
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Trending Articles