Muqdisho[RBC Radio]Dowladda faderaalka Soomaaliya oo ka jawaab celinaysay warbixin ay soo sartay hay’adda Transparency International oo laga soo saaray in dalka Soomaaliya ay ka jiro musuq-maasuq,ayaa si adag waxaa ay waxba kama jiraan ugu tilmaamtay warkaasi.
Wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya Axmed Xasan Aadan,ayaa waraysi uu bixinayey waxaa uu si kulul u ubeeneyay warbixintii sannad laha ahayd ee ay soo sartay hay’adda Transparency International,waxaana warbixinta lugu xusay in madaxda dowladda iyo gud ahaanba dalka Soomaaliya uu ka jiri musuq-maasuq ku baahay.
Waxaa uu soo hadal qaaday wasiir ku-xigeenku in waxa la lunsaday ay tahay in la caddeeyo,waxana uu inta ku daray in warbixita ay kala sarto waxa la lunsadey ee lugu eedaynayo dowladda faderaalka inay tahay hanti la siiyey shacabka iyo mid dowladda faderaalka loogu deeqay.
….”"‘Runtii si weyn ayaan uga xumahay waxaa lugu soo dhigay warbixinta,waxana ay ahaayd marka musuq-maasuq la sheegayo in loo hayo caddeyn dhab ah waxa la lunsaday, waayo musuq-maasuqu wuxuu saameeyaa horumarka iyo bulshada ku nool dalka uu ka jiro,waxan kalo raaba inan ka irahdo warbixinta eede dowladda dusha laga sarayo ee ah hantida nalagu eedeynayo ee shacabka Soomaaliyeed maalin walba lagu jah-wareejinayo yay tahay cidda na siisay,waxan inta ku daraya oo an caddeynaya inaysan jirin lacago la siiyay Soomaaliya, arrintanna waa mid lagu diiddan yahay in Soomaalia ay si xor ah dhaqaalaheeda u maareyso…”"‘ayuu yiri wasiir ku-xigeenku.
Hadalkaan ayaa yimid kadib markii shalay hay’adda caalamiga ah Transparent International ee qiimaysa dhinaca hufnaanta iyo maamul wanaaga, ayaa mar kale soo saartay war-bixin sanadle ah oo ay ku eegayso heerarka musuq-maasuqa dunida iyo sida loogu kala horeeyo.
War-bixinta oo soo baxday ayaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya uu weli safka hore kaga jiro dalalka ugu masuq-maasuqa badan dunida.
Qoraalka Transparent International ayaa lagu xusay dalalka Soomaaliya, North Korea iyo Afghanistan in ay yihiin kuwa ugu masuq-maasuqa badan, dalalkaas ayaa waxaa weli awood ku leh laaluushka, ka xad-gudubka awoodaha, iyo heshiisyada qarsoodiga ah.
_______
RBC Radio