Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Transparency International: Soomaaliya Waa Wadanka ugu Musuqmaasuqa Badan Caalamka

Image may be NSFW.
Clik here to view.
corruptrtion2
London (RBC) Warbixin ay soo saarto sanad kasta hay’adda caalamiga ee ka hadasha musuqa dunida ka jira “Transparency International” ayaa shaaca looga qaaday in sanadkan 2013 markale Soomaaliya ay kaalinta koowaad ka gashay musuqmaasuqa dunida.

Warbixintaasi ayaa qeexday in su’aalo la weydiiyey dadweynaha ku nool 177 wadan oo caalamka ka mid ah kuwaasoo ah wadamada ay sida daran uga jirto wax isdabamarinta.

Liisks musuqa adduunka:

1) Wadanka Soomaaliya ayaa galay kaalinta koowaad

2) Waqooyiga Kuuriya ayaa galay kaalinta labaad

3) Afghanistan ayaa gashay kaalinta saddexaad

4) Suudaan ayaa gashay kaalinta afraad

5) Koonfurta Sudan ayaa gashay kaalinta shanaad

6) Liibya ayaa gashay kaalinta lixaad

Tusmada hay’adda Transparency Intermational ayaa sheegtay in wadamadan ay hareysay nin jecli, laaluush, wax isdaba marin, khiyaano iyo ku xadgudub awooda dawladnimo taasoo dhaawacday ama dhibaato u geysatay dadweynaha rayidka ah ee aan awooda lahayn.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Most-corrupt
Hay’addu waxay sheegtay in wadamada qaar ee Afrika ay xoogaa horumar ka sameeyeen dhinaca musuqa marka loo eego fikrada dadweynaha ay ka qabaan dhinaca wax isdaba marinta, hase yeeshee Soomaaliya ayaa weli ku jirta liiska meesha ugu sarreysa iyadoo tobankii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya ay heysatay “kaalinta koowaad ee musuqa adduunka”.

Warbixintan oo la siidaayey Talaadadii shalay ayaa ku soo beegantay maalin ka dib markii xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay u codeeyeen inay xilka ka tuuraan raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo xukuumadiisa lagu eedeeyay waxqabad la’aan iyo musuqmaasuq.

Dhowaan ayaa waxaa xilka iska casishay guddoomiyihii bangiga dhexe ee Soomaaliya Yusur Abraar oo xilkaasi heysay lix usbuuc kaliya, Waxaana laga soo xigtay inay shaqada uga tagtay kadib markii lgu qasbay inay musuqmaasuqa ka qeybgasho.

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday warbixintan kuna tilmaantay mid ay ka buuxfo buunbuunin iyo been abuur.

Halkan ka eeg warbixinta” http://www.transparency.org/cpi2013

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Facebook
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Twitter
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Google+
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Trending Articles