Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Ciidamada Nabadsugida oo Saaka Soo Bandhigay Meydadka Labo Ka Mid ah Al Shabaab oo Xalay Ay Toogteen

$
0
0

raxanreeb_degdeg342 (1)Muqdisho (RBC) Ciidamada Nabadsugida Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa saaka degmada Yaaqshiid ku soo bandhigay labo nin oo ka mid ah koox mleeshiyo ka tirsan Al Shabaab kuwaasoo xalay weerar ku soo qaaday xarunta degmada Yaaqshiid.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa sheegay in labada nin ee la toogtay ay ka mid ahaayeen rag hubeysan oo koox ah oo weerar soo qaaday habeenkii xalay kuwaasoo ay iska hor yimaadeen ciidamada nabadsugida.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada ay qabteen labo kale oo hubeysnaa kana mid ahaa kooxda weerarka soo qaaday, kuwaasoo hadda ku xiran saldhiga booliska ee degmada Yaaqshiid.

Cumar Jacfaan ayaa inta ku daray in ciidamada nabadsugida ay u soo gurmadeen markii ay kooxda hubeysan ay weerarka ku soo qaadeen xarunta degmada iyadoo israsaaseyn ay dhexmartay ragga hubeysnaa ee degmada soo weeraray iyo ciidamada nabadsugida.

Lama sheegin in dad rayid ah ay ku gaareen weerarkan iyo dagaalka dhexmaray maleeshiyada hubeysan iyo ciidamada nabadsugida.

Xaalada degmada iyo xaafadaha ku dhow dhow ayaa saaka xasiloon iyadoo dadweynaha ku nool degmada Yaaqshiid ay saaka hadalhayaan weerarkii xlay lagu soo qaaday degmada iyo labada nin ee ay toogteen ciidamada nabadsugida dawlada federaalka.

Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ayaa ah meelaha ay weli ka jiraan weerarada tooska ah ee ay soo qadaan maleeshiyada Al Shabaab ka tirsan iyadoo labadii toddobaad ee la soo dhaafay lagu dilay labada degmo garsoorayaal ka tirsan wasaaradda garsoorka dawlada federaalka ah.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Trending Articles