Muqdisho[RBC Radio]War ka soo baxay gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa lugu sheegay in xilligaan uu jiro xiriir sii xoogaysanaya oo ka dhex jira xarakada Al Shabaab iyo Urur-weynaha Al-Qaacida,waxana sidoo kale warbixintaan ka soo baxdey QM,lugu caddeyey inuu jiro hoosu dhac weyn oo xilligaan ku yimid dagaalladi lugula jiray Al Shabaabka ka dagaallamay guddaha Soomaaliya.
Warbixinta Qaramada Midoobay waxaa soo saaray xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon,waxana uu ku sheegay inay siweyn uga xunyihiin xilligaana walaac xoogan ay ka qabaan gaabiska ku yimid dagaalladii lagula jiray Al-shabaab, waxana uu inta ku daray in kooxdan ay weerarro ka geysato dalalka Bariga Afrika ku yaalla.
Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon,waxaa uu sid kulal uu u sheegay inan wax an la aqabali karin ay tahay sida uu sheegay soo kabashada kooxada Al Shabaab iyo Al-Qaacida isagoo caalamka ugu baaqay in gacan laga siiyo dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al Shabaab.
…”"”Runtii ma ahaa wax la aqbali kari in markale ay dib usoo laba kaclayso awooodi ay lahaayeen Al Shabaab iyo Urur-weynaha Al-Qaacida,xilligaan waxaa walac xoogan uu naga hayaa gaabiska ku yimid dagaalladii lagula jiray Al-shabaab,amana ahaa inan arrinta loo firsado,waa in tallaabo la qaadao,waxana xilligaan ugu baaqaya caalamka in gacan laga siiyo dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al Shabaab…”"“ayuu yiri Ban Ki-Moon.
Wali kooxada Al Shabaab waxaa ay ku sugun tahay oo ay ka arrimisa deegaanno dhor ah oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya,inkasta oo ay jiraan dagaallo ay kula jiraan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
____
RBC Radio