Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Faah faahin kasoo baxaysa weerar qorshaysan oo xalay lagu qaaday degmada Hilwaa

Image may be NSFW.
Clik here to view.
cumar cabdulle Jacfaan
Muqdisho(RBC Radio) Wararka ka imaanaya degmada Hilwaa ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay weerar qorshaysan lagu qaaday fariisin ay lahaayeen ciidamada Nabad sugidda degmadaas, Abaara 10 fiidnimo ee xalay ayaa  waxaa laga war helay daryanka madaafiic cul culus iyo rasaas daba socota oo ka bilaabatay xarunta Shaleemo Cabdi Waayeel oo fariisin u ah ciidamada nabad sugidda degmada Hilwaa.

Gudoomiyaha degmada Hilwaa Cumar Cabdullaahi (Jacfaan) ayaa tafaasiil ka bixiyay weerarkii xalay lagu soo qaaday ciidamada nabad sugidda degmadaas, wuxuuna sheegay inay weerarkaas soo qaadeen ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab.

Cumar C/llaahi Jacfaan gudoomiyaha degmada Hilwaa oo waraysi gaar ah siinayay Idaacada VOA-da ayaa tilmaamay in ciidamadii ku sugnaa xarunta Shaleema Cabdi Waayeel oo ay weerarka ku qaadeen Alshabaab ay soo gaareen gurmad, wuxuuna tibaaxay inay khasaare soo gaarsiiyeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Gudoomiyaha degmada Hilwaa Cumar C/llaahi Jacfaan ayaa sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday ay ka dileen 2 ruux ayna ka dhaawaceen 1, wuxuuna ka dhawaajiyay inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah kooxihii weerarka ku soo qaaday xarunta ciidamada nabad sugidda degmadaas.

Wuxuu tilmaamay gudoomiyuhu inay baaritaanno ka samaynayaan degmadaas si loo ogaado kooxihii weerarka xalay ka gaystay xarunta Shaleemo Cabdi Waayeel halka ay rasmi ahaan ka yimaadeen, wuxuuna tibaaxay inay tafaasiil buuxda ka bixin doonaan marka uu howlgalku soo idlaado.

 

 

 

RBC Radio

Xafsiika Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Facebook
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Twitter
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Google+
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Trending Articles