Muqdisho[RBC Radio]Middowga Yurub ayaa markii ugu horreysey ka hadlay go’aankii dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya ay kalsoonida ugla labteen xukuumadi uu hoggaamin jiray R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Warkaan Midowga Yurub kasoo baxay waxaa lugu dhiirayey tallaabada Baarlamaanku ay qaaden,waxana la sheegay in ay muujinayso amooda Baarlamaanka Soomaaliya ee u xilligaan u yeeshey inuu xaliyo khilafka ka dhex dhashey madaxda sare ee dowladda.
Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay caqabad siyaasadeed, wuxuuna tilmaamay in Baarlamaanka iyo hoggaanka federal-ka ay muujiyeen mas’uuliyad, intii ay socotay codaynta.
…”"”Waa tallaabo muujinaysa dowladnimada xilligaan ka jirta Soomaaliya,waxana taasi ay ka dhigantahay in Soomaaliya ay ka gudubtay caqabad siyaasadeed, Baarlamaanka iyo hoggaanka federal-ka dhankooda waxaa ay muujiyeen mas’uuliyad, intii ay socotay codaynta…”"”ayuu yiri Michele Cervone ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.
Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Baarlamaanka ay kalsoonida kala noqdeen Cabdi Faarax Shirdoon ayuu ku bogaadiyay doorkiisa hoggaan iyo waxqabadka uu la yimid muddadii uu xafiiska joogay,waxana uu inta ku daray madaxda Soomaalida ay muujiyeen in dantooda ay ka horumarinayaan danta qaranka.
Michele Cervone ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay inuu sii wado taageerada uu siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliya.
Si kastabaa go’aanka ay Baarlamaanka ka gaareen khilafkii siyaasaded ee dhex yaallay R/wasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa lugu sheegay inuu ahaa mid wax badan ka badalay marxaladihii hore ee dhex mari jiray madaxdi hore.
______
RBC Radio