Kismaayo[RBC Radio]Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa xalay ahayd mid bandow ah,waxana guud ahaanba la xiray goobihii ganacsiga,waxana jogsadey isku socodka gaadidka iyo dadka.
Bandowga ay marqura xalay gashey magaalada saldhigga uu ah maamulka Jubba,ayaa waxaa uu ahaa mid an horey loo sii shaacin balse ciidamada amniga ee maamulka ayaa amar buuxa waxaa ay siiyen ganacsada oo lugu amray inay xiray goobaha ganacsiga.
Mid ka mid ah ganacsatada ku ganacsata bartamaha magaalada Kismaayo ayaa saakay u sheegay Raxanreeb,in magaaladu xalay ay gashay bandow an la sii shaacin,waxana uu ganacsadahaan sheegay in ciidamada amniga ee maamulka ay siiyen amar ah inuu xiro goobtisa ganacsiga.
….”"”"Wixii ka dambeeyay 6-dii maqribnimo ee xalay waxaa billowday bandowga, kaddib markii ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba ay ganacsatada ku amreen inay goobahooda xiraan, isla markaana joojiyay dhaqdhaqaaqa dadwaynaha iyo isu-socodka gaadiidka,taasina waxaa ay kentay inay magaalado dhan ay gasho bandow buuxa,illaa haddana na looma sheegin sababta keentay bandowga ciidanku magaalada ku soo rageen….”"“‘ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada magaalada Kismaayo oo ka hadlayey bandowga magaalada ka dhaqan-galay.
Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay madaxda maamulka Jubba ee ku aadan bandowga xalay lagu soo rogay magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale wararka ay helayso Raxanreeb,waxaa ay sheegayan la filayo saacadaha soo socda in la shaaciyo golaha wasiirrada ee maamulka
______
RBC Radio
Xafiiska Kismaayo