Ceel-waaq(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in galabta deegaankaas lagu qarxiyay maqaayad ay xiligaas ku sugnaayeen dadweyne fara badan, warar kala duwan ayaa kasoo baxay goobta ay qaraxyadu ka dhexeen.
Qaraxa ayaa lala beegsaday goob maqaayad ah oo ay saxmadeedu aad u badneed, waxaana sida la xaqiijiyay qaraxaas ku geeryooday 2 ruux oo midi uu ahaa ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaas halka uu midka kalane ahaa qof rayid ah.
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maqaayadda soo gaaray markii uu qaraxa hore ka dhacay, waxayna bilaabeen baaritaanno ay ka samaynayaan goobtii uu qaraxu ka dhacay, waxaana lagu soo baraarugay dhawaq ka wayn kii hore oo hal mar goobta ka dhacay.
Kor. Cabaas Guray ayaa warbaahinta tafaasiil ka siiyay waxa ka dhacay deegaanka Caal-waaq, wuxuuna sheegay in mar kii hore uu qarax ka dhacay maqaayadda oo ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa gudaha maqaayadda.
Kor. oo sii wata hadalkiisa ayaa tilmaamay inay goobta gaareen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo u kuur gelaya waxa goobta ka dhacay, wuxuuna xusay in markaas ka dib uu hadana qarax labaad ka dhacay isla maqaayadii uu kii hore ka dhacay, wuxuuna tibaaxay in ciidamada dowladda uu qaraxii dambe uga geeryooday hal askari.
Cabaas Guray ayaa tibaaxay in qaraxyada lala beegsaday maqaayadda ay ahaayeen kuwa laga hago meelaha fog fog, wuxuuna ka dhawaajiyay inay deegaankaas ku cusub yihiin qorshaha nuucaan oo kale ah oo ay ka maqli jireen magaalada Muqdisho iyo qaar ka tirsan gobolada dalka.
Wuxuu sheegay Kor. Cabaas guray inay howlgallo balaaran ka sameeyeen xaafadaha ku dhow dhow maqaayadda ayna soo qabteen dhalinyarro ay uga shakiyeen inay ka dambeeyeen qaraxyada ka dhacay maqaayadaas.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho