Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudi Ka Shaqeynaya Wajiga Labaad ee Tabarucaadka Dadka dhibaatadu gaartay oo Lagu Dhawaaqay(Sawirro)

$
0
0

1Boosaaso(RBC Radio) Kulan ay soo abaabushay Mu’asasada AMinhaaj oo ka dhacay magaaladda Boosaaso gaar ahaana Masjidka Al-R-Rowda ayaa looga hadlay wajiga labaad ee gurmadka loogu jiro dadka dhibaatadu kasoo gaartay dabaylaha duufaanta watey ee ku dhuftay deegaanada qaar.

Guddiga Culimada ee hoggaaminaya wajiga labaad ee Tabarucaadka Culimada soo gaara oo ku badelaya xoolo ari iney ku iibiyaan,dabadeedna xoolahaas dib loogu qeybiyo dadkii ku cayroobay dhibaatada duufaantu ay keentay.

Shir Jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Culimada gacanta ku haysa hawsha gargaarka loogu fidinayo dadkaas dhibaatadu kasoo gaartay duufaanta ayaa ka warbixiyey guddiga loo saaray wajiga labaad ee Tabarucaadka iyo dadka ka qeybqaatay u gargaarida dadka dhibku gaaray.

Guddoomiyaha AL-Minhaaj Maxamed Maxamuud Ciise

Guddoomiyaha AL-Minhaaj Maxamed Maxamuud Ciise

Guddoomiyaha Mu’sasada Al-Minhaaj Ustaad Maxamed Maxamuud Ciise ayaa faah-faahin ka bixiyey Shir labadii maalmood ee ugu danbeysay u socday Culimada gacanta ku haya hawsha Tabarucaadka dadka dhibku kasoo gaaray duufaanta .

Maxamed Maxamuud Ciise ayaa sheegay in shirku uu horudhac u yahay wajiga labaad ee loogu gurmanayo dadkaas dhibaatadu gaartay isla markaana lagu magacaabay Guddiga ka shaqeeya wajiga labaad ee Tabarucaadka.

………”””’Shirkaas wuxuu horudhac u ahaa wajigii labaad ee hawshii gurmadka ee qeybtii labaad dadkii ku waxyeeloobay duufaanta iyo daadadka ,shirkaas waxaa kasoo baxay go’aamo,Istiraatijiyad, iyo arrimo badan,waxaa kasoo baxay Guddi mideysanoo hawsha wajiga labaad maamuli doona……….””””ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Guddoomiye Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf

Guddoomiye Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf

Guddoomiyaha Guddiga Wajiga labaad ee Tabarucaadka Shiikh Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in shir u socday muddo laba maalmood ah kaga hadleen arrimaha gargaarga loogu fidinayo dadkaas walaalahood ah ee dhibaatadu gaartay.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in Culimadu falanqeeyeen sidii loogu gudbi lahaa wajiga labaad ayey go’aamiyeen in la bilaabo ari in la gado oo lacagta kasoo xerootay dibadiyo gudaba ayna hayaan Culimadu in ari lagu iibiyo.

Sidoo kale,Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa xusay in shirkii labadii maalmood u socday Culimada lagu magacaabay Guddi loogu talagalay wajiga labaad ee Tabarucaadka dadka dhibaatadu gaartay,kuwaas oo kala ah.

201. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf (Guddoomiye)

02. Shiikh Axmed Daahir Xasan (Kuxigeen).

03. Shiikh Axmed Yuusuf Daad.

04. Shiikh Daahir Aw Cabdi

05. Shiikh Daahir Guureeye Kaaarshe.

06. Shiikh Jaamac Siciid Ciise.

07. Shiikh Maxamed Macalin Axmed.

08. Guddoomiyaha Al-Minhaaj Ustaad Maxamed Maxamuud Ciise.

55Shiikh Daahir Aw Cabdi oo kamid ah Culimada u istaagtaycaawinta dadka dhibaatadu kasoo gaartay duufaantu ayaa sheegay in si toos ah u gaarsiinayaan deeqaha dal iyo dibadba laga soo gaarsiiyey isla markaana sida loogu talagalay ugu gudbin doonaan dadka dhibaatadu gaartay.

66Shiikh Axmed Yuusuf DAAD ayaa isna akhriyey magacyada dadka ka qeybqaatay gurmadka ay u fidinayaan dadka walaalahooda ,wuxuuna EEBE uga baryey in badel kheyr qaba ugu badelo .

 

____________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles