Muqdisho(RBC Radio) Diiq ka timid Hay’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa maanta la gaarsiiyay cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, madaxa Hay’add Hormuud Telecom Foundation ayaa warbaahinta kula hadlay gudaha cisbitaalka Madiina, wuxuuna sheegay inay maanta deeq shidaal ah soo gaarsiiyeen cisbitaalka Madiino si loo daboolo baahida dhanka shidaalka ah ee ka jirta cisbitaalkaas.
Madaxa Hay’adda Hormuud Telecom Foundation C/llaahi Nuur Cismaan ayaa sheegay inay ka jawaabayeen codsi dhowaan ka yimid maamulka cisbitaalka Madiina ee ku saabsanaa in gargaar dhanka shidaalka ah lala soo gaaro cisbitaalka Madiina.
C/llaahi Nuur Cismaan madaxa Hay’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa sheegay in masuuliyiinta cisbitaalka Madaaina ay gudoonsiiyeen 20 fuusto oo shidaal ah, wuxuuna balan qaaday inay sii wadi doonaan gargaarka ay u fidinayaan cisbitaalada magaalada Muqdisho.
Agaasimaha Cisbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa aad ugu mahad celiyay masuuliyiinta Hay’adda Hormuud Telecom Foundation, wuxuuna ka gudoomay deeqdii shidaalka ahayd ee ay soo gaarsiiyeen cisbitaalka Madiina, wuxuuna balan qaaday inay sii wadayaan adeegyadii caafimaad ay dadka Soomaaliyeed siinjireen.
Wuxuu sheegay Agaasimuhu in fuustooyinka shidaalka ah ee Hay’adda Hormuud Telecom Foundation ugu deeqday cisbitaalka Madiina ay wax badan ka beledi doonaan baahida dhanka shidaalka ah ee ka jirta cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho