Baydhabo (RBC) Wafdi toddoba xubnood ka kooban oo ka socda Midowga Yurub oo uu hogaaminayo danjitaha dawlada Ingiriska u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wafdigan markii ay ka degeen garoonka Baydhabo amaanka aad loo adkeeyay ayaa markiiba kulamo la qaatay maamulka gobolka Baay, xubno odayaal iyo ururada bulshada isugu jiray iyo saraakiisha AMISOM ee ku sugan Baydhabo.
Sida wararku sheegayaan waxay wafdigan u kuurgalayaan xaalada amaan ee Baydhabo iyadoo magaalada uu ka socdo shirweyne la sheegay in looga arrinsanayo maamul u sameynta lix gobol oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya.
Ma cadda in sababta tegitaanka wafdiga ee Baydhabo ay toos ula xiriirto shirkaasi ka socda Baydhabo iyo in kale, mana jiraan wax war ah oo ay wafdigan si toos ah u siiyeen saxaafadda illaa hadda.
Xubnaha odayaasha ee ay la kulmeen ayaa uga warbixiyey shirka ka socda Baydhabo iyo ujeedkiisa, iyagoo si weyn u dhaliilay dawlada federaalka ee Muqdisho oo ay ku eedeeyeen inaysan dooneyn in gobollada koonfurta ay heleen maamulo u gaar ah.
Sidoo kale saraakiisha AMISOM, taliskooda Baydhabo ayaa iyaguna ka warbixiyey amaanka gobolka iyo hawlgalka AMISOM ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Amaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wafdigan ila galabta ay dib ugu laabteen magaalada Nairobi oo ay ka soo duuleen maanta.
RBC Radio