Hargeysa (RBC) Afar wariye oo ka mid ah saxaafadda deegaanada maamulka Somaliland ayaa maanta xabsiga loo taxaabay ka dib markii bannaanbax socod ah ay wariyayaal fara badan ka sameeyeen magaalada Hargeysa.
Bannaanbaxa ay wariyayaashu sameeyeen ayaa ahaa cabasho looga cabanayey mid ka mid ah saraakiisha booliska maamulka Hargeysa oo sanadkan horraantiisii isku dayey inuu dilo wariyayaal ka tirsan wargeyska Hubaal kaasoo la qabtay balse dhowaan laga siidaayey xabsiga.
Suxufiyiinta ayaa saaka bannaanbax socod ah ku maray bartamaha magaalada Hargeysa iyagoo sita boorar iyo halku dhigyo ay ku dalbanayaan in sharciga la horkeeno dembiilahaasi la siidaayey, waxayna qorsheynayeen inay socodkooda ku gaaraan afaafka hore ee xarunta madaxtooyada ee Hargeysa.
Ciidamo ka tirsan booliska la dagaalanka argagixisada ayaa markiiba soo weeraray wariyayayaasha waxayna qabteen illaa afar wariye oo ka kala hawlgala telefishano iyo wargeyso gudaha ka hawlgala.
Xoghayaha ururka wariyayaasha Somaliland Maxamed Rashiid oo ka hadlay ayaa sheegay inay sharci darro tahay in dad si nabad ah ku bannaanbaxaya la soo weeraro isla markaana la xiro qaar ka mid ah wariyayaashii bannaanbaxayey.
Maxamed Rashiid wuxuu kaloo sheegay in ciidamadii soo weeraray wariyayaasa markii ay bannanbaxayeen ay ka qaateen illaa afar kaamiradood oo ay wariyayaashu siteen.
Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta amaanka ee Hargeysa, mana jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay hay’adaha garsoorka ee la sheegay inay siidaayeen nin sarkaalka booliska Somaliland ka mid ah oo iskudayey inuu laayo wariyayaal ka hawlgala wargeyska Hubaal kaasoo la qabtay xilli habeen ah.
RBC Radio