Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Degmooyinka Muqdisho oo Qaarkood Xaflado Ku Taageeray Xilka Qaadistii Raysul Wasaare Saacid

$
0
0

Dibadbax_MuqMuqdisho (RBC) Iyadoo shalay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay cod aqlabiyad ah xilkii kaga qaadeen xukuumadda raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa maanta degmooyinka qaarkood ee magaalada Muqdisho ka dhacay xaflado lagu taageeray mooshinkaasi iyo sidii baarlamaanka u maareeyay.

Xaflad ka dhacday degmada Yaaqshiid oo ka dhacday xarunta maamulka degmadaasi ayaa haween, odayaal, maamula degmada iyo siyaasiyiinba waxay ku tilmaameen guul qaabkii ay xildhibaanada baarlamaanka federaalka uga jawaabeen mooshinkii laga geeyay xukuumadda.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxyidiin Xasan Jurus oo ka hadlay xafladan ayaa sheegay in baarlamaanka federaalka uu hadda noqday xubiun la isku halleyn karo mae haddii, buu yiri ay si sahlan u maareeyeen khilaafkii ka dhex oognaa raysul wasaaraha iyo xukuumadiisa.

“Awal waxay noqon jirtay in dibadda loo qaado masuuliyiinta markay iskhilaafeen laakiin maantay go’aanka baarlamaanka ayaa muujiyey in aanu awood u leenahay in khilaafkeena ku xallisano dalkeena gudihiisa.” ayuu yiri guddoomiyaha Yaaqshiid.

Batuulo Maxamed oo hogaamisa mid ka mid ah ururada haweenka ayaa iyaduna sheegtay in khilaafkii ka dhex jiray madaxweynaha iyo raysul wasaaraha uu saameyn weyn ku lahaa wadashqetnta hay’adaha dawlada, sidaas awgeedna ay qasab ahayd in baarlamaanku dhex galo kalana saaro.

Degmooyin kale oo ka mid ah caasimada ayaa tan iyo xalay waxay iyaguna wadeen kulamo ay ku soo dhoweynayaan go’aankii baarlamaanka ee shalay oo ahayd 2-da Disembar uu ku riday xukuumadii halka sano jirtay ee dalka.

Dhinaca kale dadweynaha Muqdisho ayaa aragtiyo kala duwan ka qaba sida ay u dhacday ridida xukuumada iyo siyaabihii uu ku yimid mooshinka eedeynta ah ee loo soo jeediyey xukuumadda raysul wasaare Saacid Shirdoon.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles