Garoowe (RBC RADIO) Musharaxiinta kala ah Cali Xaaji Warsame, maxamed C/Nuur iyo C/wali Maxamed Cali Gaas oo burtinle ku hakaday waxay si cad u sheegeen hadii Madaxweyne faroole uusan ka laaban gudigan uu soo magacaabay ay iyana dhankooda Gudi horleh soo gudbin doonaan waxayna isku raaceen in gaashaanka loo daruuro gudigan uu Madaxweynaha Dolwada Puntland Dr faroole uu ku dhawaaqay Maanta, hadaan arintan la dhexgalinna ay dhalin karto dhibaato horleh.
Musharaxintan waxay tibaaxeen in ay kasoo horjeedaan in uu liis u yeeriyo Nin ay Xaga Musharaxnimada ka siman yihiin oo ay ula jeedeen Mudane Faroole xalkuna uu ahaa in madaxweynaha uu kala tashado Musharaxiinta soo xulista Gudiga hase ahaatee uu kaligiis isku ekeeyey, waxay ugu baaqeen Isimada iyo waxgaradka in arintan ay soo farageliyaan intaysan qaraaraan sida ay hadalka u dhigeen oo ay xaqa ka hadlaan wixi saxan iyo wixii qaldanna ay muujiyaan, waxay kaloo ugu baaqeen Madaxweynaha Puntland in uu ka laabto Gudigan si toos ahna uu ugala tashado Musharaxiinta dhigiisa ah cida lasoo xulayo hadii uu doonayo oo ay dhab ka tahay in Doorasho xalaal ah ay Puntland ka dhacdo sida ay hadalka u dhigeen.
Hadalka Musraxiintan wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Madaxweynaha Puntland uu Maanta ku dhawaaqay Gudiga Sooxulista Baarlamaanka iyo Xalinta khilaafaadka isagoo sheegay dadka banaanada ka hadlay oo uu ula jeeday Musharaxiinta Talo iyo tala la’aanba ay Waajib Dastuuri ah tahay in Madaxweynaha soo magacaabo Gudigan aanna laga noqon doonin sida uu Mudadne Faroole yiri, Lamase oga intaa wax dhaafsiisan oo dhici doona.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.