Garoowe (RBC RADIO) Wasiirka Warfaafinta Puntland Abwaan Axmed Sheekh jaamac oo shir Saxaafadeed ku qabtay Xarunta Madaxtooyada wuxuu sheegay shirka golaha Wasiirada Puntland in looga hadlay arimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Arimaha Taleex, Doorashooyinka Soo socda, waxaa kaloo lagu ansixiyay buu yiri Xeerka Warfaafinta Puntland oo ah mid leysku raacay si kumeel gaar ahna u shaqayn doona inta laga soodhisayo golaha cusub ee Wakiilada Puntland, waxaa kaloo la ansixiyay buu yiri xeer quseeya Caafimaadka oo Wasaarada Caafimaadka Puntland ay soo bandhigtay.
Wasiirku mar uu faafaahin ka bixinayay arimaha taleex iyo waxyaabihi looga hadlay wuxuu tibaaxay in War bixin laga dhagaystay Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo halkaasi safar ku tagay kadibna waxaa leysku afgartay buu yiri in Maadaama ay taleex ka tirsantahay Puntland Dowladu ka qayb qaadan doonto arimaha nabadeynta iyo dhayida boogtii ka dhalatay iska hor imaadkii ka dhacay Taleex Dowladuna ay diyaar u tahay Wax kasta oo lagu xalinayo dhacdadii dhacday.
“ waxay ahayd dhibaato ku dhacday si aan la filayn hadana dowladdu ay diyaar u tahay in ay daaweyso wixii dhacay ayna diyaar u tahay sidoo kale in ay soo dhaweyso dadka iskood isku xil qaamay ee doonaya in ay ka qayb galaan dhex dhexaadinta arimahaasi, Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaase horay uga hadlay arimahan waxaana filayaa in ay wax wanaagsan isla meel dhigeen ayuu yiri Wasiirka War faafinta.
Fadhiga Golaha oo Isniinti Hore Baaqday ayaa maanta sida muuqata waxaa joogay dhamaan Golaha Wasiirada Puntland waxaana sidoo kale lagu soo hadal qaaday arimaha doorashooyinka iyo Soo xulistii Gudiga Khilaafaadka Doorashooyinka inkastoo Musraraxiinta ay Arintaasi gaashaanka u daruureen.
Ibraahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.