Muqdisho[RBC Radio]Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu kalsoonidi kala labtay xukuumadi uu hoggaamin jiray R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid,ayaa waxaa ay xilligaan sheegen inay tallabada ay qaaden caddeynayso in dalka ay ka hirgashay dimuqraadiyada.
Xildhibaanadu waxaa ay xubnaha qeybta ka ahaa kuwii u codeeyey kalsooni kala noqoshada xukuumadi Saacid ay sheegay inay ku saxnaayeen go’aanka,ayna taasi ka dhigayso in awood buuxda ay leeyihiin xilligaan xildhibaanado.
…”"”Tallaabada ay qaaden Xildhibaanada waxaa la oran kara waa mid moojinaysa in xilligaan dalka ay ka jirto dimuqraadiyada,waxana la orankara way ku saxnaayen tallabada taasina waxaa ay ka dhigaysa inay awood buuxda leeyihiin xilligaan xildhibaanado,waxana caddeynayna in an si daacadnimo ah u gudanayno xilka na saaran ee shacabka Soomaaliyed ay noo dhibteen…””’ayey yirahdeen xubno ka tirsan xildhibaanadi kalsoonida kala labtay xukuumadi Saacid.
Sidoo kale xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka ee codkooda ku riday xukuumadi Saacid, waxaa ay xaqiijisey inay si wanaagsan u hirgashay dimuqraadiyada sida ay tir,waxana ay inta ku dartay in xilligaan Baarlamaanka Soomaaliya ay yihiin wakiilada shacabka, ayna dhaqangeliyeen Baarlamaanka dastuurka dalka Soomaaliya uyaalla, waxaana ay sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya laga rabo inuu keeno R/wasaare si dalka uusan unoqon Xukuumad la’aan.
Waxaa isna sidoo kale hadalka xildhibaanada xoojiyey xildhibaan Xuseen Carab Ciise, waxana dhankiisa uu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu gutay waajibaadkii saarnaa, iyo wixii laga filaaye intaba, waxaana uu si deg deg ah uga codsaday madaxweynaha Soomaaliya inuu soo magacaabo R/wasaare.
Si kastaba R/waasre Saacid ayaa Baarlamaanku waxaa ay ku rideen codkii ugu badna,waxana ay taasi ka dhigaysa R/wasaarihii ay rideen Baarlamaanka Soomaaliya.
_____
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio