Muqdisho[RBC Radio]Sida anuu ku helayno warar ay inoo xaqiijiyeen saraakil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya,tan iyo habeenkii xalay waxaa soo bux-dhafshey madaxtooyada siyaasiyin kala gadisan oo la sheegay inay u xeyd xeydanayaan sidii ay u gali lahaayeen booskii uu baneeyey R/wasaare Saacid.
Waxana jirta sida Raxanreeb ay ka soo xiganayso saraakiil ka ag dhaw madaxtooyada oo codsaday magacooda inaynaan xigan sababo siyaasadeed awgeed in xilligaan la tashiyo kala gadisan ay ka socdaan madaxtooyada,ayagoona uu sheegay inay soo kordhayaan siyaasiyinta imaanaysa xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
..”"‘Illaa xalay waxaa la arkayey siyaasiyin badan oo imaanaya xarunta madaxtooyada,waxana socda shirar kala gadisan oo uu qaadanyo madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,maadamaa xilligaan laga sugayo inuu soo magacaabo R/wasaare cusub,siyaasiyintu waxaa ay la shirayaan madaxweynaha,waxana la sheegaya inuu mid kasta doonayo inuu badalo booskii uu ka baxay R/wasaare Saacid oo ay Baarlamaanku rideen…”"‘ayuu yiri sargal ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya oo Raxanreeb la hadlay.
Dhinaca kale wararku waxaa ay sheegaya inuu diyaarsan yahay ruuxa qaban doonna xilka R/wasaare nimo ee dalka,mana jirta illaa xilligan cid si cadd u shaacisey arrinta.
Waxana arrintaan ay ku soo aadaysa xilli uu madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,shir jaraa’id oo u qabtay ka gadal markii xildhibaanada Soomaaliya ay kalsoonida kala noqden xukuumada R/wasaare Saacid,uu ku sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu usoo magacaabi doonno R/wasaare cusub.
Sidoo kale warar an wali la xaqiijin waxaa lugu sheegaya in xubno ka tirsan xildhibaanada xilligaan jira ee kala labtay kalsoonida Saacid inay ka soo dhex muuqan doonnan xukuumada cusub ee la soo dhisi doona,halka la sheegayo in iyana wasiiro ka tirsan xukuumada la riday ay dib ugu soo noqon doonan xukuumada la dhisayo.
Isku soo wada duubo arrimahan oo dhan ayaa la sheegaya inay ka danbeeyen khilaafkii horey usoo kala dhex galay Xassan Sheekh iyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
___
RBC Radio