Baydhabo[RBC Radio]Magaalada Baydhabo oo xarun uu ah gobolka Baay,waxaa la sheegaya in xilligaan ay ka socdaan howlgallo ballaaran oo la sheegay in lugu xaqiijinayo amniga guud ee degmada,tirro dhalinyaro ah ayaa la sheegay in xabsiga la dhigay kadib markii looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin ururka Al Shabaab ee la dagaallama dowladda ciidamadeda.
War ka soo baxay saraakisha amniga ee degmada Baydhabo,ayaa waxaa lugu sheegay inay jirto cabsi xooggan oo laga qabo in xubno ka tirsan Al Shabaab ay weeraro ka fuliyaan guddaha magaalada,waxana taasi ay keentay in heegan buuxa la galiyo ciidanka amniga suga ee degmada ku sugan.
Taliyaha qaybta booliska gobalka BaayCol. Mahad Cabdiraxmaan oo warbaahinta kula hadlay guddaha magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu xaqiijiyey in xilligaan ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen dhalinyaro badan oo baaritaano lugu waddo,waxana uu inta ku daray in dhalinyaradaan looga shakiyey inay weeraro ka fulin doonan guddaha magaalada,kadib markii uu sheegay inay heleen xoggo ku aadan weeraro Al Shabaab ay ku soo qaadi doonan Baydhabo.
….””’Ciidamada waxaa ay ku jiraan heegan buuxa,waxana xilligaan magaalada ka socda howlgallo anu siweyn u xoojinay,illaa hadda dhalinyaro badan ayaa la qabtay kuwaaso xiran,waxana loo qabtay waxaa ay tahay cabsi laga qabo weeraro la sheegay inay Al Shabaab ka fulin doonan degmada Baydhabo,balse waxaan xaqiijinaya in ciidamada amniga ay ku jiraan heegan ayna adagtahay in weeraro dhibaato geesta laga fuliyo degmada…””‘ayuu yiri Col. Mahad Cabdiraxmaan.
Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhabo,wali ka soconaya shir la sheegay in logu dhisayo maamul gobolled lixda gobol ee koonfurta iyo galbeedka Soomaaliya ,waxana magaalada la xoojinaya amnigeeda oo ay ka qeyb qaadanayan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee ku sugan degmada Baydhabo.
______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio