Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Taliyihii Ciidanka “Dawladii KMG Carta” oo Xannuun Mudo Hayey Awgiis ugu Geeriyooday Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (RBC) Allaah ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasayaa Jen Cabdi Axmed Guuleed oo ahaa taliyihii ciidanka dawladii ku-meelgaarka ahayd ee sanadkii 2000 lagu soo dhisay magaalada Carta ee wadanka Jabuuti kaasoo xalay ku geeriyooday Muqdisho.

Jen Guuleed oo in mudo ahba la xannuunsanayey cudurka Dhiig-karka ayaa dhowaan laga keenay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan wuxuuna jiifay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho halkaasoo xalay uu ku geeeriyooday, sida ay sheegeen xubno ehelkiisa ah iyo xildhibaano saaka ka qeybgalay aaska.

Marxuumka ayaa waayadan dambe wuxuu la soo liidanayey xannuunka Dhiig-karka ooo uu mudo qabay, waxaana dhowr jeer la geeyay goobo caafimaad oo kala duwan, walow waayadan dambe uu ku sugnaa Beledweyne.

Taariikh kooban

Jen Cabdi Axmed Guuleed wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyne sanadkii 1957 halkaasoo waxbarashadiisa hoose uu ku soo qaatay.  Wuxuu bartamihii lixdamaadkii u soo wareegay magaalada Muqdisho isagoo ka mid noqday ardaydii ugu horreysay ee loo qoray dugsigii Allaahida ee waxbarashada Carabiga halkaasoo uu kaga aflaxay dugsigiisa sare, kadibna wuxuu Jen Guuleed ku biiray ciidamadii Xoogga Dalka.

Intii ay jirtay dawladii militariga Waxaa Jen Cabdi Axmed Guuleed loo magacaabay taliyaha guutada27aad ee fadhigeedu ahaa magaalada Burco illaa uu ka dhacay dagaalkii 1977 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Ethiopia.

Jen Guuleed wuxuu ka mid noqday saraakiishii hogaaminaysay dagaalkii 1977 ee lala galay Amxaarada kaasoo lau xusuusto guulihii ay ka soo hooyeen saraakiisha Soomaalida dagaalkaasi.

Sanadkii 2000 markii dawladii ku-meelgaarka ahayd lagu soo dhisay Jabuuti ee uu madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan waxaa Jen Guuleed loo magacaabay taliyaha ciidamada Xoogga Dalka ee dawladii ku-meelgaarka ahayd.

Warar ku dhow saaxiibada Jen Guuleed ayaa sheegaya in dhowaan Allah ha u naxariistee marxuumka ay u yeertay dawlada cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasaaradda gaashaandhiga oo ay ka codsadeen inuu ka qeybqaato dhismaha ciidamada cusub ee dalka isaguna uu aqbalay balse xannuun hayey dartiis uu ku sugnaa Beledweyne isagoo xalayna ugu dambeyntii ku geeriyooday Muqdisho.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles