`Hoosingow(RBC Radio) Maamulda deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegay iney qaboojiyeen xiisad ka dhalatay dagaal ciidan ka wada tirsan dowlada ku dhexmarar deegaankaas maalintii shalay gudoomiyaha deegaanka Hoosingow ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in la qaboojiyey xiisadii colaadeed ee ka jirtay deegaankaas.
C/xakiin Maxamed Max’uud gudoomiyaha deegaanka Hoosingow ayaa sheegay in maamulkiisu uu dadaal u galay sidii loo xakameyn lahaa dagaal shalay dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya kuwaas oo ku murmay nin ku jiray xabsiga deegaanka taasoo markii danbe isku rogtay gacan ka hadal dhexmartay ciidamada milateriga iyo booliska ee ku wada sugan deegaankaas.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in maalinta berri ah ay shir ballaaran ku qaban doonaan deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubada Hoose kaasoo lagu xalinayo gacan ka hadalka dhexmaray ciidamada ka wada tirsanaa askarta dowlada,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney go’aano cad cad kasoo saari doonaan falalka nuucan ah si looga gaashaanto in markale ay dhacdo iney dagaalamaan ciidamada dowlada ee deegaankaas.
Shalay ayey ahady markii ay deegaanka Hoosingow ku dagaalameen ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya dhegaha shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa ku batay isku dhacay iyo dagaal dhexmara ciidamada dowlada kuwaas oo khasaare gaarsiiya dadka rayidka ah.
RBC Radio
XAfiiska Wararka Muqdisho