Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dad Laga Burburiyey Goobo Ganacsi oo ay ku Lahaayeen Gudaha Kawaanka X/weyne oo ka Cabanaya Burburinta loo Geystay Goobahooda Ganacsi

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Ganacsatada laga burburiyey goobo ganacsi oo ay ku lahaayeen degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir gaar ahaan Kawaanka  Hilibka ee degmada X/weyne ayaa ka dalbaday dowlada Soomaaliya iney wax ka qabato dhibaato ay sheegeen iney u geysteen ciidan hubeysan oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Ganacsatada la burburiyey goobahooda ganacsi ayaa ku andacoonaya in qaar ka  mid ah masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ay u sheegeen markii hore iney u fasaxan yihiin iney dhistaan goobahaas inta laga dayactirayo  Kawaan Bari oo la sheegay in la dajin doono,waxayna sheegeen in kadib markii ay galeen kharash badan oo ay ku dhiseen goobahaas ay si xun ula dhaqmeen ciidamo ka tirsan dowlada oo cagta mariyey goobahoodii ganacsi.

Dadka cabashada u diray masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney ka war heleen in goobaha laga burburiyey lagu wareejin rabo shaqsiyaad kale taasine ay tahay cadaalad darro aan la aqbali karin waxayna ka dalbadeen madaxda dowlada Soomaaliya iney wax u qabtaan ganacsatadaas danyarta ah ee laga burburiyey goobahoodi ganacsi.

Maamulka gobolka BAnaadir ayaa ka wada gudaha magaalada Muqdisho soo celinta bilicda Caasimada waxaana inta badan la burburiyey goobo si sharci daro ah looga dhisaya bartamaha iyo hareeraha laamiga kuwaas oo dhibaato ku ahaa amniga iyo bilicda magaalada Muqdisho ee xarunta dalkeena Soomaaliya.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles