Jowhar(RBC Radio) Wararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in dadkii ku barakacay fatahaada uu wabiga Shabeelle ka gaystay deegaanno ka tirsan gobolkaas ay xaalad Bini’aadanimo oo aad u daran ay ku haysato gobolka Shabeelaha dhexe.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee degmada Balcad Axmed Maxamed oo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda ayaa ka dhawaajiyay in shacabka ka barakacay fatahaadaha wabiga Shabeelle ay xaalad nololeed oo aad u adag ku haysato gobolka.
gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada Axmed Maxamed ayaa ka dayriyay nolosha shacabka waxyeeladu kasoo gaartay fatahaadda wabiga Shabeelle, wuxuuna sheegay inay degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe ay ka barakaceen shacabkii degenaa si ay uga badbaadaan waxyeelada bihaya wabiga Shabeelle.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Balcad ayaa dhanka kale ka hadlay cuduro ka dilaacay deegaanno ka tirsan gobolkaas, wuxuuna sheegay in ku dhowaad 20 tuulo oo ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe ay ka dilaaceen cuduro ka dhashay fatahaadaha wabiga Shabeelle.
Wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya,Hay,adaha samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed inay gurmad deg deg ah lasoo gaaraan shacabka ay waxyeelada badani kasoo gaartay fatahaadaha wabiga Shabeelle.
Deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa ka jira musiibooyin ka dhashay fatahaadu uu wabiga Shabeelle ka gaystay gobolkaas, waxaa sii kordhaya qaylo dhaanta kasoo yeeraysa shacabka iyo masuuliyiinta gobolka Shabeelaha dhexe.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho