Jowhar[RBC Radio]Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha dhexe,ee koonfurta Soomaaliya waxaa ay soo sheegayan in xaaladd liidata ay ku jiraan boqollaal qoys oo la sheegay inay yihiin dadka dan-yarta ah ee ku nool gobolkaasi.
Qaylo dhaantan ayaa la sheegay inay imaanayso xilli dhawaan gobolkaasi uu ku fatahay wabiga Shabeelle,taasina ay kentay inay dhibaato la soo gudboonato dadka isigu jira barakacayaasha iyo dan-yarta.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Balcad ee dhinaca arrimaha bulshada Axmed Maxamed Duqoow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladda oo ad liidata ay ka jirto gobolkaasi,waxana uu ka deyriyay xaaladda nololeed ee dadkii ku barakacay fatahaadda Webiga, isagoo xusay in ay dadkaasi ku jiraan xaalada nooleed tan ugu liidata.
Guddoomiye ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata waxaa uu xaqiijiyey in dadkii deganaa in ka badan 20 tuulo oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe ay haatan la ildaranyihiin cudurro ka dhashay fatahaada webiga, sida Kaneecada, wuxuuna intaasi sii dheer in dadkaasi aysan heysan helin wax gargaar ah.
Sidoo kale waxaa uu baaq u diray Axmed Maxamed Duqoow,hay’addaha arrimahaan ka shaqeeya iyo dowladda faderaalka Soomaaliya iyo cid kastoo wax heysata iney usoo gurmadaan walaalaha ku dhibaateysan gobolka Sh.Shexe.
Si kastaba hanoqote waxaa la sheegaya xilligaan in saacadba saacada ka danbeyso ka sii darayso xaaladda ay ku jiraan dadka sameeynta kala kulmay fatahaadi uu sameeyey wabiga Shabeelle.
____
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio