Muqdisho(RBC Radio) Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay go’aanka shalay kasoo baxay Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee kalsoonida lagala noqday xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.
Bushada reer Muqdishio ayaa ku kala aragti duwan go’aanka ay shalay ka gaareen xukuumadda R/wasaare Saacid Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxayna qaarkood sheegeen si inay aad u soo dhowaenayaan halka qaar kalane ay go’aanka Xildhibaanada ku tilmaameen inuu yahay mid sharci darro ah.
Dadka taageersan kalsooni kala noqoshada R/wasaare Saacid ayaa xukuumadiisa ku eedeeyey inay ka gaabisay wax ka qabashada sugidda ammaanka, xoraynta gobolada ay Alshabaab gacanta ku hayaan, xakamaynta musuq maasuqa iyo xiriirinta maamul goboleedyada dalka
Dhanka kala dadka kasoo horjeeda go’aanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay shalay ka gaareen xukuumadda R/wasaare Saacid ayaa tibaaxay in xukuumadda Soomaaliya ay wax qabad wayn muujisay, waxayna sheegeen in eedeeymaha ay Xildhibaanadu u soo jeediyeen xukuumadda R/wasaare Saacid ay tahay mid meelo kale laga soo abaabulay.
Waxay wax lala yaabo ku tilmaameen in R/wasaare Saacid loo diido inuu tago xarunta golaha shacabka si uu isaga difaaco eedeeymaha Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya wuxuuna sheegay in mooshinka laga keenay xukuumadiisa ay ka soo shaqeeyeen qaar ka tirsan wasiiradisa.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho